Xildhibaanada Mudulood oo kulan ka dhan ah DF la yeeshay odayaasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaqanka iyo duubabka beesha Mudulood iyo xildhibaano ka soo jeeda beesha oo ku jira baarlamanka Soomaaliya ayaa saaka kulan quraac ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa daba socday kulankii dhowaan dhex maray xildhibaanada iyo siyaasiyiinta rug cadaaga ee beesha Mudulood ee ku saabsanaa xaaladda dalka.

Kulankan ayaa xildhibaanada waxay warbixin ku siiyeen dhaqanka beesha, waxayna u sheegeen in siyaasadda dalka ay ku sii socoto xaalad mugdi ah, sida ay hadalka u dhigeen oo aan la garaneyn meesha ay ku dhammaan doonto.

Xildhibaanada Mudulood ayaa odayaasha dhaqanka u sheegay in loo baahan yahay in loo istaago sidii khararta soo socoto looga hortagi lahaa.

Xildhibaanada Mudulood waxay sheegeen in hoggaanka waddanka uusan diyaar u ahayn in uu ixtiraamo dastuurkii ay ku yimideen, ayna ku mashquulsan yihiin la dagaalanka siyaasiyiinta aan ku aragtida ahayn iyo maamul gobaleedyadi dhibka lagu soo dhisay, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxa ay sheegeen in Soomaaliya ay maanta ka billaabatay “kali-talisnimo, caburin siyaasadeed iyo handadaad iyada oo si ula kac ah loo jebinayo dastuurka”

Waxaa kale oo ay sheegeen in gobalka Banaadir ay u dheer tahay jidgioyooyin aan wax macno ah loo eegin, oo dadweynihii gobolka ay ka ganacsan la’yihiin.

Xildhibaanada ayaa sheegay in loo baahan yahay “in loo caqli celiyo hoggaanka dalka, lagana hortago dhibaato aan beri waxba laga qaban karin”

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com