Xildhibaanada Murusade oo ka baaqday kulan uu Xasan la yeeshay BF + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bilaabay kulamo gaar-gaar ah oo uu la yeelanayo xildhibaanada Golaha Shacabka ee laga soo doorto dowlad goboleedyada, wuxuuna u qaabilayaa qeyb-qeyb.

Ujeedka kulamadaan ayaa ah sidii xildhibaanada loogu qanci lahaa Golaha Wasiirada lasoo magacaabayo oo codkooda kalsoonida ay u sii lahaayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kulankii xalay ee Madaxweynaha iyo Xildhibaanada laga soo doorto Galmudug aysan ka soo qeyb gelin Xildhibaanada Golaha Shacabka ku metela Beesha Murusade.

Sida ay sheegeyso xogtaan xildhibaanada beesha Murusade ayaa saluugsan xulashada Madaxweynaha ee xubinta golaha wasiirrada ku meteli doona beeshaas, oo sida ay sheegeen aan lagala tashan.

Wasiirka beesha Murusade ayaa la filayaa in la siiyo xildhibaan hore Xasan Macallin oo ka mid ah shaqsiyaadka sida aadka ah ugu dhow madaxweynaha, qeybna ka ahaa ololihii lagu doortay madaxweynaha.

Kulamadaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo lagu wado in maalmaha soo socda la soo saaro liiska golaha wasiirrada Soomaaliya.

Afar maalmood ayaa ka hartay mudadii uu Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre baarlamaanka ka codsaday inay u ogolaadaan, si la tashiyadiisa xulashada wasiirrada uu waqti dheeraad ah ugu helo.