24.2 C
Mogadishu
Wednesday, July 30, 2025

Xildhibaannada qaar oo subac ka dhex billaabay xarunta baarlamanka dalka

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada qaar ayaa la sheegayaa in gudaha Xarunta ay ka dhex bilaabeen Subac halka qaarna ay bilaabeen inay ku qeyliyaan erayo lid ku ah Madaxweyne Xasan Sheekh.

Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada taageersan Madaxweyne Xassan, ayaa la soo warinayaa inay lumiyeen Hanaankii ay ku maamulayeen Fadhiga, waxaana la Tilmaamayaa in Gudoomiyaha Baarlamaanka uu diiday inuu dib ugu soo laabto Xarunta, kadib markii uu dhex galay Xildhibaano kasoo horjeeda Mooshinka.

Waxaa kacsan Xaalada guud ee Xarunta, waxa uuna kulanka qarka u saaran yahay in la hakiyo natiijo la’aan.
Dhanka kale, Saraakiisha Laamaha Ammaanka oo dhex galay Xildhibaanada, ayaa iyaguna ku jahwareersan kala dhex galka Xildhibaanada kala taageersan Labada Mas’uul.

po

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News