Xildhibaanada Waqooyi oo saddex qodob kasoo saaray SHIRKA Dhuusamareeb

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ay wehlinayaan siyaasiyiin kasoo jeeda gobollada waqooyi ayaa shir jaraa’id uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho waxey ku qaadaceen shirka ka billowday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Ibraahim Iidle Suleymaan oo horay usoo noqday gudoomiyaha Maxkamadda Sare, oo ay garab taagnaayeen xubno kasoo jeeda gobollada Waqooyi oo uu ugu horreeyo wasiirkii hore warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, ayaa faah-faahin ka bixiyay mowqifkooda ku aadan shirka magaalada Dhuusamareeb uga furmay Dowladda Soomaaliya, dowladaha xubnaha ka ah iyo gobolka Banaadir.

Waxey soo bandhigeen dhawr qodob oo ay ugu muhiimsanaayeen:

1- In Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu si rasmi ah ugu wargeliyay Madaxda Heer Federaal & Heer dowlad goboleed in isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo ay doonayaan iney kasoo qeyb galaan shirka , balse Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) uu u sheegay in uusan kujirin Madaxda lagu casuumay shirkaas.

2- In ay si adag u diidan yihiin in aan loo dhameyn ka qeyb-galka shirka Magaalada Dhuusamareeb oo ay ka maqan tahay matalaada gobolada Waqooyi ee (Somaliland).

3- In Madaxda shireysa, Ururada Bulshada Rayidka iyo Beesha Caalamka ay ugu baaqayaan in la isugu yimaado shirweyne Qaran.

Intaas kadib gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inaan loo dhameyn shirka ka furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Sidoo kale wuxuu madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku eedeeyay inuusan wali aqoonsaneyn Aqalka Sare kaas oo dhex-dhexaad ka ah siyaasadda dalka.

Go’aanka siyaasiyiinta Waqooyi ayaa imaanaya xilli maanta uu magaalada Dhuusamareeb ka furmay shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka laguna xalinayo caqabadaha hortaagan in la qabto doorasho heshiis lagu wada yahay.