Xildhibaanadii ugu badnaa oo mooshin ka gudbiyay…

Cadaado (Caasimada 0nline) – Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa goordhow Mooshin ka gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa sheegay in Mooshinkaasi ujeedkiisa uu yahay xil ka qaadis Guddoomiyaha.

Xildhibaankaani waxa uu sheegay in Mooshinka Guddoomiyaha ay maanta gudbiyeen 34 Xildhibaan oo dooneysa in xilka laga qaado Guddoomiye Casir.

Waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ka gaabiyay shaqooyinkii loo igmaday, sidaa darteedna ay xilka uga qaadayaan.

Sidoo kale, Guddoomiye Casir oo goordhow Shir Jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Baarlamaanka uusan shaqeyn doonin ilaa iyo inta ka harsan doorashooyinka.

Waxa uu ku dhawaaqay in isku soo laabashada Xildhibaanada ay noqon doonto 01-01-2017, wixii intaa ka harsana uusan dhici doonin wax kulan ah.

Maamulada dalka ayaa ku mashquulsan doorashooyinka labada Aqal waxaana adag in kulamo ay wada qaatan madaxda iyo Xildhibaanada.

Caasimada Online
Xafiiska Cadaado
Caasimada@live.com