Meydad iyo dhaawacyo badan oo buuxiyey isbitaalada Gaalkacyo

Gaalkacyo (Caasimada Online)– Waxaa wali magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug laga maqlayaa Rasaas kala duwan oo ay isku adeegsanayaan Ciidamada Galmudug iyo Puntland.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay khasaaro kala duwan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiisha caafimaadka Isbitaalada Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyay dhaawacyada 14 ruux oo ay ku jiraan Askarta uu dagaalka u dhexeeyo.

Meydadka lasoo gaarsiiyay ayay Saraakiishu sheegen inay dhan yihiin 9 kuwaasi oo ku dhintay rasaasta ay labada ciidan isku adeegsanayaan.

Meydadka iyo dhaawacyada buux dhaafiyay isbitaalada ayaa waxaa ku jira kuwo ay ku habsadeen Madaafiicda ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Xaalada ayaa wali kacsan waxaana lasoo sheegayaa in Ciidamada is horfadhiya ay isticmaalayaan Hubka noocyada waaweyn.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Maamulada Puntland iyo Galmudug oo dagaalka ku saabsan.

Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo
Caasimada@live.com