Fartaag oo hadal culus kasoo saaray dagaalka Gaalkacyo

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Jubbaland C/laahi Sheikh Ismaaciil Fartaag oo warbaahinta la hadlay ayaa wax laga xumaado marka hore ku tilmaamay dagaaladii ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo xiisada wali magaalada ka taagan.

Generaal Fartaag  ayaa ugu baaqay madaxda maamulada Puntland iyo Galmudug iney alle ka cabsadaan oo ay sameeyaan wax walbaa oo lagu dhameyn karo dagaalada magaalada ka dhacaya.

Fartaag oo kamid ah Aqalka sare ee dalka ayaa sheegay in  wax laga xumaado tahay in la dhameeyo shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana laga doonayo hoggaamiyeyeeshan in dagaallada joojiyaan.

Maalin ayuu sheegay in madaxdan ku cusub hoggaanka Puntland iyo Galmudug wax laga su’aali doono dhibaatada maanta ka jirta magaalada Gaalkacyo.

Dagaallo ayaa weli ka soconaya magaalada Gaalkacyo, waxaana dagaalladaasi ay geysteen khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jirta, iyadoo saakay dagaalkii ugu xooganaa uu dib u qarxay.

Hoos ka dhageyso

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com