Xildhibaannada BF oo bil kadib maanta kulmaya

Muqdisho (Caasimada Online) – Xidhibaanada golaha shacabka ayaa maanta yeelanaya kulan muhiim ah kadib markii golaha uusan shirin ku dhawaad hal bil oo qalalaaso siyaasadeed la galay.

Kulanka maanta ayaa dhacaya iyadoo la dhameeyay dhamaan khilaafaadkii ka dhashay warbixin guddigii hore ee maaliyadda baarlamaanka ay soo diyaariyeen oo la horgeeyay golaha shacabka.

Warbixintaasi ayaa sababtay in guddiga maaliyadda ay kala qeybsamaan, kadibna mooshin laga keenay madaxweynaha lagu kala qeybsamay, iyadoo markii dambe la xaliyay dhamaan khilaafaadkii yimid.

Kulanka golaha shacabka ee maanta ayaa ku saleysan warbixin guddiga maaliyadda baarlamaanka ay horgeynayaan xildhibaanada golaha shacabka, taasi oo ah miisaaniyadda sanadka cusub ee 2019.

Khabiirada dhanka dhaqaalaha ayaa ka digayaa in dib loo dhigo ansixinta miisaaniyadda sanadka 2019, maadaama ay ku jiraan mushaaraadka shaqaalo badan oo dowladda Soomaaliya ay ansixisay.

Miisaaniyadda sanadka 2019 ayaa gaareysa 340 Milyan, waxaana la doonayaa xildhibaanada inay dood adag ka yeeshaan kadibna ay anixiyaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com