Wararkii ugu dambeeyay dagaallada ka dhacay GAL-GADUUD + Sawirro

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Xaaladda gobihii shalay lagu dagaalamay ayaa wali xiisad ay ka taagan tahay, waxaana dhinacyada dagaalamay lagu waramayaa inay isku horfadhiyaan Kaxandhaale.

Dagaalkii ugu xooganaa ayaa gelinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaan u dhow Kaxandhaale oo ku yaala xuduuda ay wadaagaan dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa bilaabay inay dhexdhexaadiyaan maleeshiyaadka dagaalamay oo isku qabsaday dhul daaqsimeed, waxaana la filayaa inay kulamo la qaataan labada dhinac.

Maleeshiyaadka ayaa helay gurmaad miyiga fog kaga imaanaya, waxaana mar walbaa laga baqayaa in dagaalo ay dib kaga qarxaan deegaanka Kaxandhaale iyo deeganadii shalay lagu dagaalamay.

Inka badan 25 ruux ayaa la sheegayaa inay iska dileen labada Maleeshiyaadka oo dagaalamaya ku dhawaad seddex maalin.

Dhaawacyada qaar oo halis ah ayaa la geeyay Dhuusomareeb iyo xarumo kale, waxaana jira dhimasho badan oo ka dhalatay dagaaladii ugu dambeeyay ee labada maleeshiyaad dhexmaray.

Madaxda Galmudug iyo xildhibaanada baarlamaanka ee deegaanadaasi kasoo jeeda ayaa dalbaday in dagaalada la joojiyo, islamarkaana dowladda Soomaaliya ay ka qeyb qaadato dadaalada nabadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com