Muxuu DF kaga dhignaan doonaa qofka kusoo baxa doorashada Puntland?

Garowe (Caasimada Online) – Waxaa maalmo kooban ay ka harsan tahay doorashada maamulka Puntland oo inka badan 23 Musharax ay u taagan yihiin xilka madaxweynaha Puntland.

C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa kamid ah musharixiinta Tartameysa, waxaana uu ka baxay balan uu seddex jeer horey u qaaday oo ahaa inuusan markale xilka madaxweynaha isku soo sharaxi doonin.

10 Maalin kadib doorashada madaxweynaha ayaa ka dhaceysa magaalada Garowe, waxaase ka horeeya 7 Maalin kadib doorashada guddoonka baarlamaanka ee ka dhaceysa magaalada Garowe.

Waxaa wali si muuqata aan loo ogeyn galaangalka dowladda Soomaaliya ay ku leedahay doorashada Puntland, si lamid ah sidii loo ogaa doorashada maamulka Koofur Galbeed ee uu kusoo baxay Lafta Gareen.

Dhowr Arimood oo isbiirsaday ayaana keenaya in xiligaan aan la ogaan shaqsiga dowladda taageersan tahay, arinta Koowaad ayaa ah doorashada tirada badan ee ka dhaceyso Garowe, oo dowladda Soomaaliya aysan awoodin in dhinac walbaa dhaqaalo gooni ah aysan ku bixin.

Tusaale ahaan: Doorashada Guddoomiyaha baarlamaanka, Ku xigeenadiisa, madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ayaa ka dhaceyso magaalada Garowe, waxaana adag in dhaqaalo badan halkaasi lagu bixiyo, iyada oo laga yaabo in doorashada madaxweynaha ama ku xigeenkiisa Dowladda xooga saarto.

Waxaa horey usoo baxay in dowladda ay wadato Musharax Jibiye, kadib markii gaari xabadda aysan karin uu kala dagay magaalada Garowe, balse isaga ayaa beeniyay hadal heyntaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa hadda heysata taageerada maamulada Hirshabelle iyo Koofur galbeed, waxaana muuqata in si hoose loo xalinayo xiriirka Galmudug iyo dowladda Soomaaliya, waxaana kaliya u haray inay hesho taageerada Puntland iyo Jubbaland.

C/Welli Gaas oo baqdin ka qaba dowladda Soomaaliya ayaa dhigay garoomada diyaaradaha Puntland ciidamo gaar ah oo ka hortaga dhaqaalo si toos ah garoomadaasi looga soo dajiyo.

Shaqsiga kusoo baxa doorashada Puntland ayaa laga ogaan doonaa inay dowladda ku guuleysatay ka adkaashaha C/Welli Gaas iyo inkale.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com