Hooyo Miski: Isaga wuxuu ku xiran yahay Sacuudiga, aabahiisna waxa uu nooga dhintay Qaraxii Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Muxudiin Axmed waa 23 jir Maxkamad Sacudiga ku taala ku xukuntay 10-sano oo xariga, waxa  uu aabihiis ku waayey qarixii musiibada ahaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho 14-tii October, 2017

Qoyska wiilkan oo la soo xiriiray Wakaalada wararka SONNA ayaa ka codsaday in dawladda Soomaaliya in wiilkooda looga soo daayo xabsiga uu ku jira oo ay sheegeen in uu xabsi wakhti dheer, kuna xanuusanayo.

Miski Abukar Qoryoley, waa hooyada Maxamed waxa ay sheegtay in wiilkeeda uu xiran yahay muddo ku dhaw laba sano, in taleefan ay isku maqlaan mooyee, aysan xabsiga ku booqan sababa la xiriira sharciyada deganaanshaha ay haystaan oo kala duwan awgeed.

“Waxan dawladda Soomaliya ka codsanayaa in ay naga caawiso soo deynta wiilkayga oo iga xiran, aanan arki Karin, dhib ayuu qabaa, markii ay su’aalaha weydiinayeen ee la xirayey bay xubnaha taranka jug ka gaartay, taas iney ku soo kacdo buu taleefan iigu sheegaa, aabihiisna wuxuu iiga dhintay Qaraxii Zope Muqdisho”, Miski ayaa sidaa tiri.

Miska ayaa intaa raacisay in  wiilkeeda carruur uu dhalay oo Sacudiga ku noolaa ay Soomaaliya u soo dirtay ayna soo raacisay tarxiilka, maadaama aysan awoodin maareynta noloshooda halkaasi.

“Wiilkayga wuxuu ahaa mid ku filan maareynta qoyskiisa, wuxuna sidoo kale caawin jiray aabihiis iyo ayeeyadiisa oo Xamar ku nool, balse hadda xaalka wuu nagu xun yahay waxaan noo dheer wel-wel xabsigaas dheer iyo in uu u xiran yahay denbi uusan isaga lahayn”,

Ayeeyada Wiilka, Xabiibo Aadan Macalin ayaa sheegtay in wiilkan aabihiis Muxudiin Axmed Faarax ay ku waysan Musiibadii sannadkii hore, curudkiisa uu Maxamed yahay isna ka xiran, waxaana codsatay in mar uun xabsiga looga soo daayo.

“ Maxamed 8-kale oo carruur ah ayaa la dhalatay oo uu isaga u weynaa, aabahoodna wuu dhintay, inaan aniga wax taree, aniga u baahan daryeel, waayeel baan ahay, waxa kaliya aan fiirsanayey waxa uu ahaa carruurtan aabahood oo uu Maxamed kamid yahay”, Xabiibo ayaa sidaa tiri.

Sacudiga ayaa kamida aha Dalal ay ku xarinyhiin Maxaabiis Soomaaliyeed, waxaana xusid mudan in dawladda Federaalka Soomaaliya ay u guntatay sii deynta maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa dalalka India, Libya, Seychelles, Ethiopia, Kenya, iyo Tanzania oo u dambeysay.

W/D: Maxamed Cisman Cabdi ‘Black Cobra’