Xildhibaannada BFS oo ku gacan seeray dalabkii BEESHA CAALAMKA kuna qeexay gef qarameed

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka horyimid soo jeedin shalay ka timid  Dowlado iyo Hay’ado caalami ah oo isku sheegay saaxiibada Soomaaliya, soona jeediyey in la xaliyo khilaafka soo kala dhexgalay Baarlamaan Goboleedka Jubba iyo Baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna sheegay Xildhibaan Jeesow in Soomaaliya ay u dhisan tahay Dowlad adduunku aqoonsan yahay iyo Hay’ado Dastuuri ah; Go’aannada ka soo baxana ay yihiin kuwa dastuuri ah.

“Baarlamaanka Soomaaliya wuxuu la mid yahay Baarlamaanada adduunka; suuratagl-na ma ahan in Go’aan uu Baarlamaanku gaaray la yiraa wadahadalo ha laga galo, taas waa gef qarameed” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow, wuxuuna intaa ku daray in Baarlamaanka Soomaaliya uu la mid yahay kuwa dalalka ay metelayaan wakiiladaas.

“Go’aannadii Baarlamaanka ka soo baxey ee dhowr R/wasaare lagu casilay saaxiibada beesha caalamka waxeey ahaayeen kuwii ugu horreeyey ee soo dhoweeyey; in Baarlamaanku tillaabo  Dastuuri ah ka qado cadaalad darrada Maamulka Jubba Baarlamaanka waxey aheyd waajib, waanna ay guteen” Ayuu yiri Xildhibaan Daahir Jeesow, wuxuuna intaasi raaciyey.

“Beesha caalamku waa in ay Soomaaliya u daayeen go’aan ka gaarista arrimaha muhiimka ah; haddii saaxiibada Soomaaliya ay leeyihiin annaga ayaa rabno ineey Kismaayo sidaa ahaato waanna inaad yeeshaa, waxaan leenahay Soomaaliya waa Dowlad xor ah” .

Xildhibaan Jeesow wuxuu sheegay in Baarlamanka shaqadiisu tahay ilaalinta shuruucda dalka, cid kastaba oo ku xadgudubtana ay tillaabo sharci ah ka qaadayaan.

“Intee lagu arkay Baarlamaan go’aan uu gaaray la leeyahay yaan waxba laga soo qaadin sidaa waxaa yiri saaxiibada Soomaaliya” Ayuu yiri Xildhibaan Jeesow.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com