Xildhibaannada gudbiyay mooshinka oo soo saaray go’aan cusub oo xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada online) – Qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee gudbiyay mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhow ka hadlay qoraalkii kasoo baxay xoghayaha baarlamaanka iyo halka uu marayo mooshinka.

Xildhibaan Axmed Macalin, Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar iyo xildhibaano kale oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay soo saareen warqad ay ku cadeynayaan halka uu marayo mooshinka, islamarkaana ay ka horjeedaan qoraalka kasoo baxay xoghayaha guud xafiiskiisa.

Xildhibaanada ayaa ugu horeyn ka hadlay diidmada loo diiday Villa Hargeysa waxaana ay tilmaameen ineysan aqbaleynin in xarunta Villa Somalia laga dhigo meel shaqsiyaad gaar ah ay maamulaan.

Qoraalka ay soo saareen ayaa u qornaa Sidan:-

Waxay xildhibaano metelaya shacabka iyo deegaanka laga soo doortay ay ayagoo gudanaya waajibaadkooda keenneen soo jeedin sharci ah oo uu qabtay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo haddii uu aqoonsan yahay baarlamaamkii doortay iyo dastuurkii uu ku dhaartay awooddana siiyay, wuxuu kuqasbanaa in uu maro waddo sharci ah baarlamaankana u hoggaansamo. Beddelkeeda madaxweynaha wuxuu u dhaqmaqmayaa mas’uuliyad darro:

1-Waxaa la xanibay Guddoomiyaha Golaha Shacabka, looma geli karo oo xataa xildhibaanadii waa loo diidey

2.Waxaa laga hadashiinayaa xildhibaanno aanan aslanba mooshinka saxiixin, iyo qaar aamusnaa illaa mooshinka lagasaaro shaabadda, Guddoonkana uu qabto, Sida sharciga ah mooshin la qabtay kaddib xildhibaanka ra’yigiisa haddii uu is beddelo waxaa u furan cod.

  1. Waxaa lasoo saaray warqad uu ku saxiixan yahay Buux oo oo la yiri mooshinka waa jabay si buuq loo abuuro. Haddii aysan xusuustooda yareyn, isla Buux ayaa March 14, 2018 wuxuu shir jaraa’id la qabtay Guddoomiye Jawaari oo mooshin ka yaallay asagoo yiri xildhibaanno badan ayaa ka noqday, wuuna jabay. Mooshinkii inuu jabay Guddoomiye Muudey wuu diiday, sidiina Jawaari isku casilay. Buux ma aha xildhibaan, shalay warkiisa Guddoomiye Muudey oo mooshinka hayay iyo xildhibaanada ayaa diidday, maantana waa sidoo kale. Shalay iyo maanta Buux ma kala aha.

Mooshinku waa sharci, waa waajib, madaxwaynaha haraaco sharciga, fowdo ma aha dowladnimo.

Caasimada Onine
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com