26.2 C
Mogadishu
Friday, July 11, 2025

Xildhibaanno iyo aqoon-yahano soo dhoweeyay booqashada madaxweyne Farmaajo ee…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan lagu qiimeynayo booqashadii madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay Puntland  iyo Galmudug iyo saamaynta ay ku leedahay siyaasadda dalka( Fursadaha iyo Taxadiyaadka).

Madasha ay ka qeyb-galeen Xildhibaanno ay ka mid yihiin Axmed Macalin fiqi, Zakariye Maxamud Xaaji, Fowsiyo Xaaji iyo Caasho Koos ayaa si fiican loo falan-qeeyay booqashada madaxweyne Farmaajo.

Kulanka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Maxamed Nuur Tarsan, Kamaal Guutaale, Cabdiqadir Barnaamij General Cabdirahman Tuuryare iyo mas’uuliyiin.

Inta badan dadka doodayey waxaa ay soo dhoweeyeen booqashada madaxweyne Farmaajo ku tagay gobollada dalka iyo sida uu u dhageystay baahidooda, laakin waxaa jirtay in qaarkood shaki ka muujiiyeen hirgelinta iyo gacanta dowladda ku leedahay fulinta mashaariicda uu dhagac-dhigay madaxweynaha.

La-taliyaha madaxweynaha ee dhanka siyaasadda mudane Maxamed Nuur Tarsan oo goobta ka hadlay ayaa difaacay mashaariicda uu dhagax-dhigay madaxweyne Farmaajo isaga oo intaasi raaciyay in dowladda ay qeyb bixin-doonto halka inta hartana ay bulshada deegaanka isku-xil-qaami-doonaan.

- Advertisement -

Read more

Local News