Maxay tahay sababta xildhibaannada Somalia ay u joogaan Sh/Hoose?

Afgooye (Caasimada Online) Magaalada Afgooye ee gobalka Shabeellaha Hoose, waxaa ku sugan tiro xildhibaanno ah, kuwaasoo u kuur galaya xaaladda bini’aadinimo iyo midda siyaasadeed ee magaalada.

Xildhibaannadan ayaa saxaafadda u sheegay in magaalada ay ku soo arkeen xaalad bini’aadinimo oo aad u xun iyo in dowladda ay ka gaabisay wax u qabashada dadka ku dhaqan halkaas.

Xildhibannadaas waxaa ka mid ah Prof Maxamed Cumar Dalax, isagoo la hadlaayay Idaacadda Goobjoog ayuu sheegay in marka ay ku soo laabtaan Muqdisho, ay hordhigi doonaan maalinta Arbacada ee soo socota oo uu furmaayo kal fadhiga 3-aad ee golaha baarlamaanka, wax yaabaha ay kala soo kulmeen magaalada iyo guud ahaan gobalka Shabellaha Hoose.

Xildhibaannadan ayaa sidoo kale, dowladda ku eedeeyay in aysan maamul loo dhan yahay u sameen gobalka iyo in xitaa madaxda dowladda aysan ka warheynin dadka ku dhaqan Afgooye.

Wuxuu sheegay xildhibaan Dalxa in dadka ku dhaqan magaalada aan heesan biyo nadiif iyo adeeg kale, waxaana uu intaas ku daray in hey’addaha gargaarka aysan tagin magaalada.

Si kastaba, waxaa socda qorshayaal la doonayo in maamul gobaleed loogu sameeyo gobalada Shabeellaha Hoose,Baay iyo Bakool.

Caasimada Online

Xafiiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com