XOG: Axmed Madoobe iyo DF Somalia oo ka hadlay qeybsiga maamulka Juba

Muqdisho (Caasimada Online) Illo xog-ogaal oo ay la hadashay Shabakadda Caasimada Online, ayaa noo sheegay in magaalada Muqdisho, ay ka socdaan kulamo ay lee yihiin Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah hoggaamiyaha maamulka kumeel gaarka ee Jubba iyo dowladda Soomaaliya.

Kulamadan oo ka socda aqalka madaxtooyada Villa Somalia iyo Hotel Jaziira oo ay deggan yihiin wafdiga Axmed Madoobe ee shaley soo gaaray, ayaa inta badan looga hadlayaa siddii loo dhammeestiri lahaa heshiiskii labada dhinac ay dhawaantan ku gaareen magaalada Addis Ababa.

Sidoo kale,waxaa kulamada looga hadlayaa dhammeestirka maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe, waxaana jira qoddobo ay dowladda wadato oo ku saabsan dhammeestirka maamulka Jubba.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho ku sugan rag sheegtay madaxweynayaal kuwaasoo xoog looga soo saaray magaalo xeebeedka Kismaayo ee koonfurta Somalia, markii ay dagaalameen iyaga iyo maleeshiyo uu lee yahay Axmed Madoobe.

Dadkan warkan noo sheegay waxa ay lee yihiin dowladda waxa ay Axmed Madoobe kala hadleysaa siddii maamulka loogu dari lahaa ragga sheegtay madaxweynayaasha ama dad ay  iyaga wakiil ka ah.

Illaa hadda si dhab ah looma oga kulmadan iyo muddada ay qaadaneyso waayo saxaafadda waa laga qariyay.

Si kastaba, Axmed Madoobe shaley markii ka soo dagay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaa loo soo dhaweyya si weyn, waxaana soo dhaweentiisa ka qayb qaatay wasiirro, xildhibaanno, saraakiisha ciidamada iyo fannaaninta barbaarta gaashaman , waxaana magaalada lagu dhajiyay sawirka Axmed Madoobe.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho