FBI-da Maraykanka oo baaraysa gabar Somali ah oo Mombasa lagu dilay

Mombasa (Caasimada Online) Sida uu qoray Axada maanta ah Wargeyska The Stander, ee ka soo baxa dalka Kenya, xubno ka tirsan hey’adda dambi baarista Maraykanka ee loo yaqaanno (FBI) ayaa gaaray magaalo xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya, si ay door muhiim ah uga qaataan baaritaanno lagu samaynayo kiis ku saabsan dil oo loo geestay gabar Soomaali ah, heesantana dhalasho Maraykan ah.

Kiiskan ayaa saxaafadda dalkan Kenya ay si weyn uga hadleen tan iyo shaley, waxaana gabadha la dilay oo da’deeda ah 19-jir loo qabtay dilkeeda labo wiil oo iyana Soomaali ah kuwaasoo la sheegay in ay qaraabo yihiin gabadha la dilay sida uu qoray wargeyska.

Si kastaba, saxaafadda Kenya ayaa leh gabadha oo lagu magacaabo Jamiilo Aweys Xaaji, inta aan la dilin waa la kufsaday, waxaana maxkamad ku taalla magaalada Mombasa ay amar ku bixisay in gacanta lagu sii hayo labada dhallinyaro ee lagu tuhun san yahay falkan.

Jamiila ayaa dalkan Kenyan timid sida ay lee yihiin hey’addaha ammaanka horaantii bishan  Septemper waxaana xilligaas ka timid dalka Maraykanka.

Mid ka mid wiilasha loo hayo falka dilka, laguna magacaabo Maxamed Bashiir Maxamed, ayaa hey’addaha ammaanka Kenya waxa ay lee yihiin isaga ayaa ahaa Jamiilo qofkii ugu dambeeyay ee ay is raaceen xilli ay doonaysay inay soo booqato guriga adeerkeed oo ku yaalla xaafada Likoni ee magaalada Mombasa.

Sirdoonka Maraykanka ayaa lagu wareejiyay kiiskan kuwaasoo wada baaritaanka falka dilka,waxaana la filayaa in ay soo saaraan baaritaan dhammeestiran.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com