Puntland oo ka jawaabtay hadalkii uu Jamac C. Jamac ka sheegay Xamar

Garoowe (Caasimada Online) Maamulka Puntland ayaa maanta oo Axad ah ka hadlay shir dowladda ay dhawaantan ku qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo looga hadlaayay hiigsiga 2016-ka in afti dadweyne ay ka dhacdo Soomaaliya iyo in nidaamka fedaraalka laga dhaqan galiyo Somalia muddadaas.

Wasiirka warfaafinta Puntland Axmed Sheekh Jaamac oo shir jaraa’id ku qabtay Garoowe ayaa sheegay in shirkaas qoddobada kasoo baxay ay ahaayeen kuwa natiijo aan dhalin karin.

Isagoona sheegay in Puntland ay qaadaceyso qoddobada ka soo baxay,maadama aan lagu martigalin laguna soo wargalin.

Wasiirka ayaa sheegay in shirkaas ay ka qaybgaleen kooxo uu ku sheegay in ay yihiin kuwii laayay Soomaaliya isla markaa dhacay wixiii hanti ay lahaayeen.

Wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale, u jawaabay Jaamac Cali Jaamac oo mar soo noqday madaxweynaha maamulka Puntland ahna siyaasi iyo korneel ciidan ka soo jeeda Puntland oo ka qaybgalay shirka Muqdisho.

Siyaasigan ayaa ku tilmaamay go’aanka Puntland ay ku qaadacday shirka in uu yahay mid aan loo dhammeen isla markaana uu wato qorshahaas madaxweyne Faroole.

Wuxuu sheegay wasiirka warfaafinta Puntland in hadalkaas uu yahay mid aad looga xumaado in uu siyaasi caan oo qadarin looga hayo Puntland in uu sidaas u hadlo kana qaybgalo shir ay joogaan kooxo Soomaaliya burburiyay.

Wasiirka ayaa sheegay in Jaamac Cali Jaamac haddii uu ka qaybgalay shirka uusan matalin Puntland kana hadli karin go’aanka ay qaadatay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com