Maxay ka hadleen Saacid iyo Faroole oo ku kulmay dalka Djibouti

Djibouti (Caasimada Online) Wararka naga soo gaaraya magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Djibouti , ayaa sheegay in halkaas ay ku kuleen ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon iyo madaxweynaha Puntlan iyo madaxweynaha maamulka Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Si dhab ah looma oga wax yaabaha ay ka hadleen labada nin balse, war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay kulanka inuu billow u yahay wadahadal dhex mara dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Raysal wasaaraha oo saxaafadda si kooban ula hadlay kulankaas kaddib ayaa rajo weyn ka muujiyay in labada dhinac uu u  furmo wadahadal rasmi ah kaasoo lagu xoojinayo xiriirka iyo wadashaqeynta maamulka Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.

Si kastaba, maamulka Puntland ayaa dhowaan sheegay inuu  xiriirka u jaray dowladda Soomaliya kaddib markii uu ku eedeeyay in wax ka baddashay dastuurka federaalka Soomaaliya iyo in dowladda ay ka gaabisay hirgalinta nidaamka fedaraalka.

Dhinaca kale, Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta oo Axad ah ka qaybgalay xaflad lagu dhagax dhigaayay labo dekadood oo laga furaayo dalka Djibouti.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Djibouti

RW Saacid iyo Faroole oo ku kulmay Djibouti