Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo Runta u sheegay Faroole

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Jibriil ayaa weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, kaasoo dhawaan sheegay in wax badan laga badlay dastuurka kumeel gaarka ee dalka u yaala.

Cabdiraxmaan Xuseen Jibriil oo ahaa wasiirkii dastuurka ee dowladda KMG ayaa sheegay in Faroole uu qorshahan ka damacsan yahay in uu dadka ku jahwareeriyo maadama hadda lagu kacsan yahay.

Wuxuu sheegay in dastuurka la soo billaabay tan sannadkii 2004-ta lana soo gaarsiiyay sannadkii 2012-ka ayna ka soo shaqeeyeen khuburo iyo dad aqoon u leh.

Xildhibaan Xoosh Jibriil ayaa ka dhawaajiyay in Faroole uu ka mid ahaa lixdii saxiixayaasha hannaankii looga baxayay kumeel gaarka ee Road Map-ka, wuxuu is weediyay sababta keentay in Faroole kaligiis uu qeyliyo markasta, marka loo eego madaxdii kale.

“Faroole isaga uun ayaa sheegaya in dastuurka wax laga badalay, waayo Sheekh Shariif oo ahaa madaxweynihii xilligaas, oo hadda ku sugan Kampala illaa hadda kama hadlaayo dastuurka wax yaabaha uu sheegayo Faroole, Cabdi Weli Gaas oo ahaa ra’iisal wasaare kama hadlaayo, Sheekh Shariif kama hadlaayo, Galmudug kama hadleyso isaga maxay tahay wax yaabahan uu sheegayo” ayuu yiri Xoosh Jibriil.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sababta ka dambeesay Faroole  inuu wax yaabaha ku andacood ku ay tahay isagoo wajahaya dhibaato siyaasadeed oo aad u weyn marka wuxuu rabaa in uu ku qariyo arrintan oo ku weeciyo ayuu yiri.

Si kastaba, Puntland waxa ay dhawaan ku dhawaaqday in joojisay wadashaqeentii dowladda dhexe, sidoo kale waxa ay maanta qaadaceen qoddobada ka soo baxay shir looga hadlaayay mustaqbalka Soomaaliya oo muddo shan cisho ka socda Muqdisho.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho