Col. Barre Hiraale iyo madaxweynayaal is-magacaabay oo Muqdisho ku shiray iyo qodobbo ay soo saareen

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Axad ah kulan ku yeeshay qaar ka mid ah madaxweynayaal isku magacaabay maamulka Jubbooyinka iyo Gedo, kuwaasoo ka soo horjeeday Axmed Madoobe oo hadda hoggaamiyaha kumeel gaarka ee maamulka Jubba.

Kulanka dadka ka muuqday waxaa ka mid ahaa Barre Aadan Shire Hiraale, Cabdi Baaleey Xuseen, Cumar Buraale Axmed iyo Iftin Xasan Baasto, kuwaasoo  horrey isku magacaabay madaxweynayaasha maamulkXa Jubbooyinka.

Shirkooda oo saxaafadda ay bannaanka ka joogtay, waxaa looga hadlay qoddobo badan,oo ay ka mid tahay in ay qaadaceen heshiiskii dowladda Soomaaliya magaalada Addis Ababa kula gaartay maamulka Axmed Madoobe.

Waxa ay sheegeen in kulankaas uu ahaa mid hal dhinac lala qaatay, isla markaana aan loo dhammeen.

Intaas kaddib waxaa xubnaha ku shiray Muqdisho ay sheegeen in ay diyaar u yihiin heshiis lala galo Axmed Madoobe iyo in dowladda dhexdhexaadin ay ka sameeso labadaas dhinac.

Dhinacyada ku shiray Muqdisho ayaa sidoo kale dowladda uga digay haddii aysan si degdeg ah uga laaban aqoonsiga ay siisay hoggaamiyaha Raaskambooni in isku dhacyo iyo qas ay ka billaaban doonaan  magaalada Kismaayo iyo guud ahaan gobalada Jubbooyinka.

Ugu dambeen war-saxaafadeed ay soo saareen dhinacyadan oo u khriyay Dr. Abshir ayaa sheegay Axmed Madoobe iyo maamulkiisa in ay ka billaabeen Kismaayo barakicin iyo boob ay u geesanayaan hantida ay lee yihiin dadka ka soo jeeda maamulka Jubba.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan dhinac ka ahayn khilaafka ka jira Jubbooyinka, wuxuu sheegay in khilaafkaas uu ka dhaxeeyo Axmed Madoobe iyo dhinacyada maanta ku shiray magaalada Muqidsho.

Wuxuu sheegay in heshiiskii Addis Ababa aan si siman aan loo siin kooxaha ku dagaalamay Kismaayo, wuxuuna intaas ku daray in hal dhinac ay dowladda la safatay sida uu hadalka u dhigay.

Waxa ay dowladda, beesha caalamka iyo wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ay ugu baaqeen in xalka Jubbooyinka uusan ku jirin in hal dhinac lala heshiiyo iyo in si isku mid ah aan loo simin.

Si kastaba, kulanka hoggaamiyaashan iskood isku magacaabay Jubbooyinka ayaa ku soo beegmaya iyadoo shaley magaalada Muqdishu uu soo gaaray Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo ah hoggaamiyaha maamulka ku meel gaarka ee Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho