Xildhibaanno lacag ka soo qaatay Xasan Sheekh oo Jawaari ugu tagay hoygiisa una hanjabay.!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa loo jeediyay digniin culus oo ku saabsan inuusan Golaha Baarlamaanka hor keenin Mooshinka Madaxweynaha laga keenay oo guddoonku si rasmi ah u shaaciyay inuu u gudoomay.

Xildhibaanada taageerayaasha u ah madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa koox ka mida la sheegay inay u tageen Guddoomiyaha Baarlamaanka, kana dalbadeen inuu mooshinkaasi isku dayin inuu soo hordhigo Golaha Baarlamaanka ama ku soo daro ajendooyinka maalmaha soo socda, iyagoo ku doodaya inuusan Mooshinku sharci ahayn.

Waxaa looga digay Prof. Jawaari in keenista Mooshinka madaxweynaha ee golaha baarlamaanka uu dhalin karo dagaal ka dhex dhaca xildhibaanada Baarlamaanka oo ka darran mooshinkii ay ku kala qeybsameen ee xildhibaanada ee lagu riday aakhirkii Ra’iisal wasaarihii hore C/weli Sheekh Axmed.

Xildhibaannadan oo lacag badan kasoo qaatay madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa sidoo kale ugu hanjabay Jawaari in isaga ay mooshin ka keeni doonaan, haddii uu mooshinka ka dhanka ah Xasan Sheekh horkeeno baarlamanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com