Guddiga joogtada ah ee baarlamanka Somalia oo kulan xasaasi ah ka yeelan doona saddex arrin.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga joogtada ah ee baarlamanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maanta yeeshaan kullan xasaasi ah oo siyaasadda Soomaaliya wax weyn ka beddeli doona.

Kullanka ayaa waxaa looga hadli doonaa ajendayaasha baarlamanka ee tobanka maalmood ee soo socda.

Sida aan xogta ku helnay, guddiyada joogtada ah ayaa soo jeedin doona saddex qodob oo muhiim ah oo kala ah:-

1 – In mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si deg deg ah loo horkeeno xildhibaannada baarlamanka Soomaaliya.

2 – In Doodda mooshinka baarlamanka si toos ah looga baahiyo tv-yada Soomaalida, si dadweynaha ay ula socdaan.

3 – In muddo hal bil ah lagu kordhiyo waqtiga ay fasaxa galayaan oo ku eg 27-ka bishan, lagana dhigo 27-ka bisha September, si loo dhameeyo howlaha u yaalla baarlamanka.

Xildhibaannada baarlamanka ayaan dooneyn inay fasax galaan ayada oo howlaha ay qabyo u yihiin. Waxaa xusid mudan in baarlamaanadii hore ee dalka ay inta badan bur buri jireen kadib marka ay ka tagaan howlo qabyo u ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com