XOG: Xasan Sheekh oo hortgaya baarlamaanka!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu damacsan yahay qorshe uu ku hortagayo xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ee dhawaan badankood mooshin isaga ka dhan ah u gudbiyay gudoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya uu warqad qoraal ah u gudbiyay gudoonka baarlamaanka Soomaaliya taasi oo uu ku dalbanayo inuu ku hortago baarlamaanka Soomaaliya.

Xogta ayaa sidoo kale sheegaysa in xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ay diideen in madaxweynaha Soomaaliya uusan khudbo kaliya u jeedin baarlamaanka Soomaaliya laakiin ay su’aalo ka weydiiyaan eedeymaha qaar ee loo jeediyay madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha ogolaaday markii gudoomiye Jawaari uu ku wargeliyay dalabka qaar kamid ah xubnaha baarlamaanka Soomaaliya kasoo yeeray ee ah iney su’aalo weydiiyaan xubnaha baarlamaanka.

Lama oga waqtiga madaxweynaha uu hortagi doono xubnaha baarlamaanka Soomaaliya, laakiin waxaa muuqata in Jawaari iyo madaxweynaha isla fahmeen inuu hortago baarlamaanka Soomaaliya.

Xafiiska Madaxweynaha iyo baarlamaanka ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa mashquulkii ugu badnaa maadaama baarlamaanka mooshinka ay gudbiyeen uu noqday mid cirka isku shareeray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com