Xildhibaanno sheegay in guddoomiyaha BF Mursal uu iminka yahay maxbuus

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaliya ayaa xog dheeri ah ka bixiyay xaaladda uu ku sugan yahay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan.

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar, oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya oo hadal ka jeedinayay goob lagu soo dhaweynayay hogaamiyaha xisbiga Wadajir ayaa shaaciyay in maxbuus uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka.

Wuxuu sheegay inuu si hordhac ah u sheegayo in guddoomiyaha baarlamaanka markii mooshinka uu qabtay kadib laga dhigay maxbuus sida uu hadalka u dhigay.

“Xan Fresh ah ayaan idiin sheegayaa, guddoomiyaha baarlamaanka markii mooshinka uu qabtay kadib cadaadis ayaa la saaray, haddana waxaan idiin sheegayaa Guddoomiyaha baarlamaanka Waa maxbuus”ayuu yiri Xildhibaanka oo ka hadlayay soo dhaweynta C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Xildhibaanka wuxuu sheegay in Xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya loo diiday inay u tagaan guddoomiyaha baarlamaanka, sidaasina uu ku xaqiijinayo in guddoomiyaha go’doon la geliyay.

“Xildhibaano badan oo kamid ahaa xildhibaanadii mooshinka gudbiyay ayaa loo diiday inay u tagaan guddoomiyaha baarlamaanka, waxaan idiin sheegayaa in Xan Fresh ah tahay in maxbuus uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka”ayuu hadalkiisa kusii daray xildhibaanka.

Marka laga yimaado hadalka uu jeediyay Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar ma jiro cid xaqiijin karta in Maxbuus uu yahay guddoomiyaha baarlamaanka oo uu kala jeeday in loo diiday dhaqdhaqaaqa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com