Dibadbax ka duwan midka mooshinka ka dhanka ah oo Muqdisho ka bilowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan oo ka careysan mooshinka Shalay gelinkii dambe uu qabtay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta banaanbaxyo ka dhigay magaalada Muqdisho.

Dadka banaan baxa dhigayay oo ka dhawaaqayay erayo ka dhan ah xildhibaanada mooshinka gudbiyay ayaa xiray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, iyagoo ugu dambeyn ay xireyn wadada hormarta madaxtooyada Soomaaliya.

Haween iyo dhalinyaro badan ayaa xiray wadada madaxtooyada, waxaana la sheegay inay gudaha u galeen madaxtooyada, waxaana ay tageen albaabka Villa Hargeysa oo madaxtooyada ku dhex yaal.

Dhinaca kale waxaa banaanbax uu ka socdaa degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo labo banaanbax oo kala duwan ay ka dhacayaan magaalada Muqdisho.

Marka laga yimaado banaanbaxa looga soo horjeedo mooshinka madaxweynaha waxaa bananbax kale oo lagu taageerayo C/raxmaan Cabdi Shakuur uu ka socdaa magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ugu badan ee mucaaradka ayaa ka qeyb galaya soo dhaweynta C/raxmaan Cabdi Shakuur oo goordhow  soo gaaray magaalada Muqdisho.

La soco waxyaabaha kasoo kordhay xaaladda guud ee magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com