Wararkii ugu dambeeyay ee mooshinka FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeeday mooshinkii xildhibaanada baarlamaanka ay ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wararkii u dambeeyay ee aan heleyno ayaa sheegaya inay magaalada ay ka socdaan kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka ee kala taageersan labada dhinac ee guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.

Qaar kamid ah hoteelada magaalada Muqdisho iyo madaxtooyada ayay siyaabooyin kala duwan kaga dhacayaan kulamada kala duwan.

Kulamada ugu badan ayaa waxay yihiin kala xod xodashada xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya si dhinac walbaa uu u helaa xildhibaanada ugu badan ee mooshinka taageera ama kasoo horjeesta.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka ayaa caasimadda Online u sheegay in xildhibaano badan oo dalka dibadiisa ku maqan xitaa lagu wargeliyay inay deg deg ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

Walli waxaa socdo kulamada isdaba jooga oo ilaa iyo xalay ka dhacayay madaxtooyada Soomaaliya oo u dhaxeeya dhinacyada isku qabtay mooshinka ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya.

Guddoomiyaha baarlamanka iyo ku xigeenadiisa ayaa kulamada ugu badan la qaadanaya xildhibaanada baarlamaanka si dhinac walbaa uu taageero u helo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com