3 arrin oo ka dhalan karta mooshinka ka dhanka ah madaxweyne FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya laga gudbiyay maalintii shalay islamarkaana uu qabtay guddoomiyaha baarlamaanka waxaa bilowday kala qeybsanaan baarlamaanka dhexdiisa ah.

Dadka falanqeeya siyaasadda Soomaaliya ayaa sheegaya in mooshinka uu salka ku hayo dano shaqsiyadeed  oo aysan ku jirin danta qaranka Soomaaliya, waxaana mooshinka uu qabtay guddoomiye Mursal uu ka dhigan tahay heerka uu gaaray Khilaafka.

Sidoo kale waxaa dadka la socdo arrimaha mooshinada ay sheegayaan in arintaan ay timid kadib markii la isku qabtay danaha Shaqsiyaadka u dhaxeeya, waxaana xaaladda ay adkaatay markii la isku fahmi waayay arrimaha Koofur Galbeed iyo Kordhinta Qandaraasyo socda.

Xeel dheerayaasha ayaa sheegaya in mooshinka xiligaan laga keenay madaxweynaha Soomaaliya uu sababi karo seddex arimood oo kala ah:-

1 –  Inay Joogsadaan dhamaan Shaqada Hay’adaha kala duwan ee dowladda Gaar ahaan golaha Shacabka oo howlo badan ay u yaalaan.

2 – In dhaqaalo ay ku bixiyaan labada dhinac xalinta iyo taageero u helidda Mooshinka, dhaqaalahaasi oo ah mid ummadad Soomaaliyeed ka wada dhaxeeyo.

3 –  In qalqal amaan uu kusoo kordho magaalada Muqdisho, iyadoo laga faa’ideysanayo buuqa siyaasadeed ee jira sida marar badan dhacday.

Waxaa hadda muuqata in xildhibaano badan ay gudbiyeen mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaana guddoonka ay durba ku kala qeybsameen arinta mooshinka.

Waxaa meesha ka baxaya guddoonka dhexdhexaadnimadooda, maadaama weerar iyo difaac ay kala noqdeen, iyadoo ay adkaan doonto dhinac walbaa inuu baarlamaanka ku wargeliyo shir dhacaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com