Xog: Ujeedka rasmiga ah ee mooshinka FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa guddoonka baarlamaanka u gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya, walow aan la soo bandhigin xildhibaanada saxiixay mooshinka.

Mooshinka ayaa socday labadii habeen ee ugu dambeysay, waxaana xiisadda ay adkaatay markii kulamo la isku fahmi waayay ay ka dhaceen Villa Soomaaliya, maadaama sharuudo adag la is hordhigay.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in mooshinkaan ay isku bahaysteen xildhibaano badan, iyadoo ujeedada ay tahay fariin loo dirayo madaxweynaha.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa qabtay mooshinkaan kadib markii uu waayay ujeedo isku soo dhawaansho iyo wada shaqeyn dhexmarta isaga, ra’iisul wasaaraha iyo madaxweynaha, waxaana arrinta ugu weyn ee la isku hayo ay tahay arrinta Koonfur Galbeed, waxaana xildhibaanada ugu badan ee saxiixay mooshinka ay kasoo jeedaan deegaankaas.

Xildhibaanada baarlamaanka Qaarkood ayaa sheegay in mooshinka ay gudbiyeen ay ka doonayaan inay ku qalqal geliyaan madaxweynaha Soomaaliya oo muddo labo sano ku dhow aanan laga keenin wax mooshin ah.

“Way adag tahay in la helo laba meelood saddex meel xildhibaanada labada aqal, sidaas darteed madaxweynaha xilka sahal loogama qaadi karo, balse waa inaan farrin dirnaa” ayuu yiri xildhibaan la hadlay Caasimada Online oo codsaday inaan la magacaabin.

Mooshinkaan ayaa ka dhigan awood muujinta guddoonka baarlamaanka, waxaana arrimaha ugu badan ee la isku hayo ay tahay Doorashada Koonfur Galbeed iyo qorshaha musharixiinta qaar la doonayo in doorashada looga reebo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com