Xildhibaano hore oo weerar ku qaaday madasha horusocod

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaaya dhaliilaha loo jeedinaaya Xildhibanada mucaaradka ah ee dhawaan magaalada Nairobi kaga dhawaaqay Madasha Horusocod.

Xildhibaanada mucaaradka ee Madasha ayaa magaalada Nairobi gaaray kadib markii ay heleen fasax gaaban oo ay ku dhameysan karaan howlahooda waxaana xigay inay u xuubsiibtan Madal Mucarad oo ay ku mideysan yihiin Xildhibaano ka badan 90 Xildhibaan.

Ex Xildhibaan Daahir Cirro oo kamid ah Xildhibaanadii hore ayaa sheegay in is uruursiga Xildhibaanada Madasha uu yahay mid lagu daweynaayo dano gaara oo ay ka waayen dowlada Federaalka ah ee Somalia.

Daahir Cirro oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in Xildhibaanadaasi aysan laheyn dano lagu saxaayo khaladaad jira, balse waxa uu cod dheer ku sheegay inay dagaal ugu jiraan danahooda gaarka ah.

Daahir Cirro ayaa sheegay in Xildhibaanada isku baheystay cuuryaaminta howlaha Qaranka lasoo taago Maxkamad, waxa uuna cadeeyay in talaabada noocaasi ah ay carqaladeyn karto dowladnimada.

Daahir Cirro ayaa cod dheer ku sheegay in talaabooyinka Xildhibaanada Mucaaradka ay sii horseedi karto kalsooni darro ay u qaadan dadka shacabka ah maadaama ay gacantooda kusoo saaren Madaxweynihii ay doonayeen shacabka.

Sidoo kale, Ex Xildhibaan Maxamed Iidle Geedi Xerow ayaa sheegay in loo baahan yahay in Dastuurka dalka wax laga badalo hadii la rabo in Xildhibaanada marwaliba aysan is-hortaag ku sameyn shqada Xukuumadda.

Dhanka kale, waxa uu Maxamed Iidle ku baaqay in Xildhibaanada la aaminay ay dib u xasuustan kitaabkii alle oo ay ugu dhaarteen difaaca dalka iyo diinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com