Xildhibaano ka tirsan golaha shacabka oo naftooda kala soo cararay Beladweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa xaqiijisay in magaalada Muqdisho ay soo gaareen Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Axmed Maxamed “Jindi” kadib markii ay kusii sugnaan waayeen magaalada Beladweyne oo gashay xaalad kacdoon ah. 

Xildhibaanadan kusoo laabtay Muqdisho ayaa qeyb ka ahaa siyaasiyiin reer Hiiraan ah oo Beladweyne u tagay in ay halkaas geeyaan Madaxweynaha HirShabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, balse magaalada ay gashay xaalad cakiran.

Labadaan Xildhibaan ayaa sheegay in ay Beladweyne ku soo arkaan bulsho dhan oo isugu jira haween iyo dumar, carruur iyo ciroole oo dhamaantood diidan maamulka uu hogaamiyo Madaxweyne Cali Guudlaawe, sidaas darteedna ay Muqdisho ugu soo laabteen in ay ka fikiraan xaalad kale oo ay ku hagaagi karto HirShabeelle.

Xaaladda Beladweyne ayaa hadda dagan kadib fowdadii habeenkii Axadda ka dhacay xarumaha ugu muhiimsan ee maamulka, kuwaas oo ay qabsadeen ciidamada ka gadoodsan tagista Cali Guudlaawe ee Beladweyne. 

Waxaa jira walaac xoog leh oo ay qabaan dadka reer Hiiraan iyo siyaasiyiin kalaba oo ku aadan sidii xal loogu heli Beladweyne oo muddo dheer wajaheysa xaalad kacdoon ah oo ka dhan ah Cali Guudlaawe. 

Xaaladda ayaa waxaa uga sii daraya xildhibaano gobolka kasoo jeeda, oo saameyn xooggan leh, uuna ka mid yahay wasiirkii hore ee waxbarashada Cabdullahi Goodax Barre oo sii dhiiri-gelinaya in laga soo horjeesto Cali Guudlaawe.