Xildhibaano si weyn uga fal-celiyay go’aankii lagu diiday dacwada Fahad Yaasiin

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa go’aan lama filaan ah oo ay qaadatay ku diiday qaadista Dacwadda kiiska kursiga la xayiray ee Fahad Yaasiin ee HOP086, taasi oo meesha ka saartay rajadii ugu dambeysay ee Fahad.

Maxkamadda Sare ayaa go’aankeeda sabab uga dhigtay in aanay awood u lahayn ka garnaqida cabashooyinka ka dhasha go’aannada maamul ee doorashada dadban ee Barlamaanka 11-aad ee Soomaaliya, waxayna aqbashay hor-is-taagga xafiiska garyaqaanka guud ee dowladda oo matalaya Guddiga doorashooyinka ee heer federaal.

Fahad ayaa sidoo kale aqbalay go’aanka, isaga oo yiri “Markii aan si qotodheer uga baaraandagay qaraarka ay soosaareen garsooreyaashu, waxaan rabaa inaan bulshada Soomaaliyeed la wadaago inaan ixtiraamayo qaraarka kasoo baxay Maxkamadda Sare, oo ah hay’adda ugu sarreysa ee garsoorka dalka, kaasoo ay ku sheegeen in aysan awood u lahayn go’aan ka gaarista gal-dacwadeedka.”

Go’aankaan ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyay Xildhibaan Mahad Salaad, xildhibaan hore Axmed Macalin Fiqi, ayada oo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ku tilmaamay mid soo afjareysa siyaasada qamaarka ee uu ku socdeen sanadihii dambe xulafada Farmaajo.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa ugu horeyntii go’aanka Maxkamada Sare ku hambalyeeyay Guddoomiye Baashe Yuusuf Axmed, islamarkaana uu Garsoorka dalka ka bad-baadiyay dhaawac culus.

“Waxaa maragmaddoonto ah in Gudoomiyaha Maxkamada Sare Baashe Yuusuf Axmed uu yahay shaqsi hufan oo si hagar la’aan ah uga soo dhalaalay mas’uuliyada ummadda uu hayo iyo ilaalinta shuruucda dalka u yaalla. Garsoorkana ka badbaadiyay dhiiqadii lugaha loo gelin rabay. Hambalyo Gudoomiye!,” ayuu yiri.

Sidoo kale Axmed Macalin Fiqi ayaa asaguna yiri: “Maxkamadda sare waa ku mahadsan tahay in si cilmiyeysan oo ka fog “la jiifiyaano banaan” ay waajibkeedii u gudatay, kasbatayna kalsooni badan ayadoo muujisay madaxbanaani iyo in aan sidii la rabo loogu adeegan karin. Waxay mudan yihiin maxamadaha dalku isbedel kasta oo dalka ka dhaca in la taageero horumarintooda iyo horusocodkooda. Sharcigu ha sarreeyo.”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa dhankiisa sheegay in jabka ku dhacay saaxiibka Farmaajo uu horay uga digay, wuxuuna yiri “Horay ayaan uga dignay halka ay ku danbayn doonto siyaasadda qamaarka ah. Waxaan u jeedaa kuwa waddadii oo kale haya. Taladeydu waa in ay kuwii hore ku waana qaataan. Soomaaliya siyaasad aan is-ogol aheyn kama socon karto.”

“Siyaasadoodu waa siyaasad qamaar oo ku dhisan tan waa ii-socotay oo wax iga hor istaagaya majiro, waa noo socon kartaa. Siyaasada qamaarka dhibka ay leedahay sida aad qamaarka u helaysid halmar ayaa gab laga siisanaya waxa dhan.”

Si kastaba, Go’aanka Maxkamadda Sare kasoo baxay maanta ayaa waxa uu dhabar-jab weyn ku yahay Fahad Yaasiin, waxayna arrintaan soo xirtay albaabkii ugu dambeeyey ee uu ku noqon lahaa xildhibaan.