Sidee madaxweyne Deni u dilay rajadii Puntland ee guddoonka Aqalka Sare?

Doorashadii guddoonka Aqalka Sare ee dhacday 2017, Puntland waxay qarka u istaagtay inay hesho xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Aqalka Sare oo ah xil u furan dhammaan inay beelaha ku loolamaan.

Senator Maxamuud Mashruuc oo laga soo doortay gobolka Bari ayaa wareeggii ugu dambeeyey ee doorashada helay 16 cod, ayada oo Abshir Bukhaari oo xilkaas ku guuleystay uu helay 18 cod. 

Senator Cabdrisaaq Jurile oo sidoo kale xilkaas u tartamay, lagana soo doortay Puntland, ayaa wareeggaa kuwaad ku haray 6 cod.

Shan sano kadib, Puntland inay xilkaas hesho iska dhaaf’e, xitaa isuma diyaarin inay tartan u gasho, waxayna u muuqataa inay aqbashay in kursigan ay xaq u leeyihiin maamullada kale, inkasta oo taasi aanay meelna ku qorneyn.

Galmudug oo doorashadii hore heshay kursiga ayaa mar labaad u ordeysa, waxaana markan wehliya HirShabelle, ayada oo labada musharax ee kaliya ee illaa hadda xilkaas u taagan ay kasoo jeedaan deegaanadaas.

Puntland waxay u muuqataa inay sanadkan ku qanacday xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad oo ay isku soo taageen Senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timocadde) iyo Senator Sareedo Maxamed Xasan (Jayte).

Farqiga u dhaxeeya Puntland iyo Galmudug ayaa ah in Galmudug ka Senataro yar tahay Puntland, oo ay haysato 8 Senator halka Puntland ay leedahay 11, balse ay isku dhaafeen dhanka hanka iyo galaangalka siyaasadeed ee madaxdooda.

Sababta rajadii Puntland ee kursigan u dhimatay ayaa lagu sheegay sida xun ee madaxweyne Saciid Deni u maareeyey doorashadii Aqalka Sare, isaga oo xaqiijiyey in xubnihii miisaanka cuslaa ee loolanka adag u geli lahaa kursigan aysan sanadkan soo gudbin.

Wuxuu kursiga ka reebay inay u tartamaan xubno ay ka mid yihiin Cabdirisaaq Jurile, Maxamuud Mashruuc iyo Cumar Cabdirashiid, kuna beddelay dad isaga aad ugu dhow oo aan khibrad siyaasadeed ku dhex laheyn baarlamanka.

Waxaa intaas dheer, in Saciid Deni aanu xil iska saarin inuu u ololeeyo in Puntland ay hesho kursigan isaga oo adeegsanaya saameyntiisa siyaasadeed, balse sida muuqata wuxuu ku mashquulsan yahay ololaha doorashada madaxweynaha ee isaga uu raadinayo.

Haddii Deni uu isbaheysi la sameyn lahaa Axmed Madoobe oo ay saaxiibo yihiin, kaliya labada maamul xubnood ayaa ku filnaan lahaa inay kursigan ku qaataan si fudud, balse Deni sidaas ma sameyn.

Ayada oo beelaha Digil iyo Mirifle iyo Dir ay kala qaadanayaan hoggaanka labada Aqal, haddii Deni uu waayo xilka madaxweynaha, waxaa aad suurta-gal u ah in madaxweynaha cusub soo magacaabo ra’iisul wasaare aan reer Puntland aheyn, taasi oo ka dhigan in shan sano oo kale aysan Puntland qaban mid ka mid ah xilalka ugu sarreeya Soomaaliya, kadib shanti sano ee Farmaajo.

Madaxweyne Deni waxaan usoo jeedinayaa inuu xoogga saaro xaqiijinta ahmiyadda guud ee Puntland ee aa aanu tiisa shaqsiga ah kaliya eegan, taasi oo hadda ah sida uu wax ku wado.

Mahad Cabdiweli Axmed
Garoowe, Puntland 

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.