Hal arrin oo Maxkamadda Sare ku kalliftay go’aankii ay ku diiday dacwadda Fahad

Muqdisho (Caasimada Online) – Garsooreyaasha Maxkamadda Sare ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqay in aysan awood u lahayn go’aan ka gaarista dacwad uu u gudbiyay la-taliyaha dhanka amniga ee madaxweyne Farmaajo.

Galinkii dambe ee maanta ayuu dacwoode Fahad Yaasiin soo saaray qoraal uu ku cadeeyey in uu aqbalay go’aanka Maxkamadda.

Waxay dad badan is weydiiyeen sababta uu ku yimid go’aankaas ay garsooreyaasha ku diideen dacwadii uu soo gudbiyey Fahad Yaasiin – Maxaa keenay in Maxkamadda Sare oo sharci ahaan ugu sareysa dalka ay awood u yeelan wayso go’aan ka gaarista kiiskan?

Zakariye Sheekh Yuusuf, oo ah qareen ka faallooda arrimaha sharciga ayaa wareysi uu siiyey Idaacadda BBC wuxuu ku sheegay in uu jiro sharci gaar ah oo loo sameeyay doorashada dadban, kaas oo maxkamadda ka hor istaagaya inay go’aan ka gaarto arrimo la xiriira doorashadaan dadban.

Abuukaate Zakariye oo go’aankaas ku tilmaamay mid ay ka muuqatay aqoon, masuuliyad iyo wadaniyad ayaa sheegay in maxkamaddu ay ku qasbanaatay ilaalinta heshiiskii doorashadaan dadban.

“Maxkamadu inay tiraahdo awood uma lihin inaan qaadno kiiskaan waxay u cuskadeen sharci lambar 30 oo dhigaya in cabashada doorashadaan loola tegi karo oo kaliya golaha wadatashiga qaran,” ayuu yiri Abuukaate Zakariye.

Sidoo kale waxaa la weydiiyey sababta ay maxkamaddu markii hore u dhageysatay doodihii la xariiray dacwadaan hadii aysan awood u laheyn inay qaado?

“Horta waxaa waajib ah in maxkamadu ay marka hore aqbasho cabasho kasta oo muwaadin u soo gudbiyo, ugu dambeyntiina maxkamadu markii ay dhageysatay doodihii dhicanyada waxay ka fiirisay in waxa la isku heysto uu go’aan doorasho yahay,” ayuu yiri Abuukaate Zakariye.

Sharci ahaan wuxuu sheegay in kiiskaan oo kale ay maxkamaddu xaq u leedahay inay qaado, balse heshiiskii 17-kii September uu ka joojinayo awoodaas.

Ugu dambeyntii Abuukaate Zakariye wuxuu sheegay in Fahad Yaasiin ay u furan tahay in golaha wadatashiga qaranka uu u cabto, “Hadii uu cabashadiisa u gudbisto ayagana waxaa laga rabaa inay dhageystaan, sababtoo ah muwaadin kasta xaq ayuu leeyahay inuu helana waa waajib,” ayuu yiri.