Muxuu kursiga Fahad kaga duwan yahay kuraasta kale ee guddiga FEIT uu fasaxay?

Waxa muddooyinkii dambe isa-soo taraysay hadal haynta kursiga uu kusoo baxay Taliyihii hore ee NISA, Fahad Yaasiin haddana ah La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweyne Farmaajo, kaasi oo tirsigiisu yahay HOP#068.

Inta aan u guda-galin jawaabta su’aasha aan cinwaanka sare ku xusay, aan dib u milicsano doorashooyinka dalka ka dhacay iyo sida ay kusoo baxeen inta badan kuraasta la doortay ee Golaha Shacabka, oo uu yaallo kursiga Fahad.

Kuraasta illaa hadda la xalaaleeyay doorashadooda ayaa waxaa qaarkood ama aan dhahno intooda badan kusoo baxeen hanaanka ka fog heshiisyadii iyo habraacyadii lagu heshiiyay, islamarkaana lagu soo saartay shaqsi jecel iyo dano siyaasadeed gaar ah.

Sida la fahamsan yahay kuraasta la doortay ee mudaneyaashooda dhawaan la dhaariyay ayaa waxay intooda badan doorashadooda wax badan ka duwaneyn magacaabis oo kale, ayada oo awooda u weyn ay ku lahaayeen madaxda dowlad goboleedyada, oo ayagu aan marnaba meel kasoo galin doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Haddaba aqriste aan usoo daadago dulacda maqaalkan, islamarkaana aan kaga jawaabe kursiga Fahad ee tirsigiisu yahay HOP#068 wax badan kama duwana kuraasta kale ee lagu soo saartay dano siyaasadeed gaar ah, saaxiibtinimo iyo isku-abaal gud.

Marka la eego marxaladaha kala duwan ee uu soo maray dooda jaban ee “waa xaaran doorashada kursiga Fahad”, illaa hadda majirto cadeyn la taaban karo oo uu kaga duwan yahay kuraasta kale hanaankooda oo siday kusoo baxeen aan qoraalka bilowgiisa kusoo xusay.

Haddaba, Tan kaliya ee illaa maanta lagu haysto kursiga Fahad ayaa ah sida la fahamsan yahay mid siyaasadeed oo salka ku haysa xiisada ka dhaxeysa Madaxweyne Farmaajo oo ah saaxiibka Fahad iyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Marka laga imaado shaqsiyada Fahad iyo ficiladiisa intii uu joogay xilka u sareeya ee NISA, waa mudane dooran oo kusoo baxay hanaan aan ka duwaneyn kuwa ay inta badan xildhibaanada uu guddiga FEIT siiyay shahaadada ee la dhaariyay ay ku soo baxeen.

Waxaa ayaan-darro weyna ah in Guddiga FEIT uu xalaaleeyo kuraas hanaankooda doorasho uusan ka duwaneyn midka Fahad, islamarkaana uu awoodiisa u adeegsado dano siyaasadeed gaar ah.

Guntii iyo gaba-gabadii, waxaa leeyahay isma qabato “Waa xalaal kuraasta la hanaanka ah Fahad, kursigiisuna waa xaaran iyo ku tumasho sharci” – Maxay kula tahay adba?!

F.G: Wax shaqsi ah nagama dhaxeeyo Fahad, umana ihi taageero ee waa xaqiiqo aan la dafiri karin.

W/Q: Cabdicasiis Dal-deeq
Email: cdaldeeq02@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid.