Xildhibanada Abgaal: Mooge-yaasha aan la moogeyn

Mudo xileedka mudanayaasha baarlamaanka labada aqal ayaa maraya heer gabo gebo ah, waxaana la isu diyaarinayaa doorashada baarlamaanka 11-aad ee Somalia oo lagu heshiiyay inuu noqon doono mid ku saleysan nidaamka 4.5 murashax walbana uu kursiga u raadsanaayo deegaan doorashadiisa.

Hadaba, waxaan qormadaan ay noqon doontaa mid bidhaamisa xildhibaanada Soomaaliyeed, inagoo marba kasoo qaadan doono deegaan doorasho iyo qaab qabiileedka Soomaalida wax u qeybsado. Waxaana qormadaan ay dul istaagi doontaa xildhibaanada beelweynta Abgaal Ismaan oo leh kuwo muuqda iyo kuwa aan muuqanba.

Xildhibaanada beesha Abgaal ee aqalka hoose iyo sare, waxaa ku fadhiyo xildhibaano ku kala duwan dhinaca aqoonta, damiirka, siyaasadda, waxqabadka iyo kuwo hurda oo moogayaal aan la moogeen, danahoodana ku ilaalsada kursiga xildhibaanimo iyo xasaasanada uu leeyahay.

Qaarkood siyaasadda dalka lama saan qaadi karaan, warna uma haayaan marxaladaha kala duwan ee dalku soo maray. Halka qaar kale siyaasadda wax uun ay ka fahansan yihiin.

Xildhibaanada qaar ayaa dantooda ah inay yihiin xil iyo xoolo doon, halka qaarka kale ay daneenaayaan iney siyaasadda kusoo galaan si ay uga helaan magac iyo mansab siyaasadeed. waxqabadkoodana ku kooban yahay kaliya, si is-tustus ah.

Bal aan eegno, mudanayaasha beeshaan madasho iyo waxqabadkooda, iyo doorka ay ku leeyihiin siyaasadda iyo bulshada dhexdeeda.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Islow, wuxuu baarlamaanka nasiib u yeeshay inuu ka mid noqdo, wuxuu markii danbe ahaa wasiir ka dhex muuqday xukuumaddii dhacday ee Kheyre, xilkiisana ku waayay saaxiibtinimadii Kheyre. Wuxuu lahaa awood buuxda oo xukuumadii hore, waa ganacsato meel walba lug kula jira, xilkiisa shaqsi ahaan wuu ka faa’iideystay haddey ahaan laheyd arrimahiisa gaarka iyo ganacsigiisa, wuxuu leeyahay shirkadd ku xeran AMISOM oo ka howlgasha Xalane iyo ganacsiyo kale, ma jirto waxqabad muuqda iyo horumar uu gaarsiiyay deegaanka uu madalo, marka laga reebo inuu tabcaday hanti iyo shaqsiyaad gaar ah oo uu ku beeray wasaaradii uu xukumayay ee amniga, beeshiisana waxay u aragtaa in xilkiisa lagu khasaaray deegaankiisana ka war qabin.

Xildhibaan C/llaahi Maxamed Nuur, waa ganacsade da’yar 30 jir milyanaar ah, wuxuu leeyahay hotelka caanka ah ee Elite, wuxuu ahaa saaxiibadii ku dhowaa Xasan Sheekh, isagoona soo noqday wasiiru dowlihii maaliyada ee dowladdii Xasan Sheekh, halkaasi oo la is leeyahay inuu ku noqday 30 jir milyanaar ah. Marka ay timaado masiibo iyo dhibaato wuxuu boqolaal kun ugu deeqaa hadba meesha masiibada ka dhacday, laakiin ilaa weli ma jirto goob waxbarasho ama caafimaad oo uu ka hirgeliyay deegaankii laga soo doortay, wuxuuna miisaan culus uu ku leeyahay baarlamaanka marka ay timaado doodaha iyo mucaaradnimada dowladda ee xiligaan.

C/qaadir Cosoble, waa siyaasi, ganacsato ah, xildhibaanada ugu muuqda baarlamaanka, wuxuu dhowr mar isu soo sharxay xilka madaxtinimada isagoo helay codod uu ugu gudbay wareega labaad, waa mucaarad aan la gamban fikradiisa, wuxuuna xilkiisa xildhibaano ay tahay ila meereeyso oo wax horumar ah oo muuqda uu deegaankiisa ku hormariyay ma jirto, marka laga reebo inuu dhaliilo dowladda iyo inuu ka dhex muuqdo xisbiyada siyaasadeed ee doonaya in dalka hoggaanka u qabtaan. 

Senator Muuse Suudi Yalaxow, waa hoggaamiye afkaartiisa cad yihiin, wuxuu si cad oo gambasho laheyn fakaarayaasha ugu sheegaa mab’da’iisa iyo in lugta la haysto horumarka bulshada uu madalo, gaar ahaan waa hoggaamiye u dooda xuquuqda dadkiisa leeyihiin, laakiin waayay garab, wuxuu si cad u sheegaa in beesha uu ka dhashay ee Abgaal hoggaan xumida haysa awgeed aysan jirin in la isku duubnaado, waana xildhibaanka kaliya ee beeshiisa horumar la doonayo.

Xildhibaan Saadaq C/kariin, waa xildhibaan laga soo doortay Galmudug oo beesha Abgaal, waxaa lagu xusuustaa inuu ahaa Agaasimihii madaxtooyada ee xiligii Xasan Sheekh oo ina adeer ay yihiin, waa mooge aan la moogeyn, magac u yaal ah oo aan muuqan, beesha uu ka dhashayna ay karaahiyeysatay mudada afarta sano ee uu xilka ku fadhiyo, waxayna ku shalaaynayaan ergadii dooratay eexdii ay ka eenden ninkii la tartanmayay ee C/llaahi Cali Xasan maxaa codkeena ugu hiilin weynay, waa xildhibaan albaabada dadkiisa ka xertay, kana warqabin deegaankii laga soo doortay.

Caddow Cali Gees, waa xildhibaan Ganacsade ah oo aan ku mashquulin siyaasadda, wuxuu ganacsigiisa gaarsiisan yahay ilaa Dubia, sababta uu baarlamaanka u galayna waa in uu xasaanad ku helaa iyo in ganacsigiisa ku ilaashada, wuxuu qandaraasyo ka haystaa xarunta AMISOM ee Xalane oo dhaqaale xoogan uu kasoo galaa, beeshiisa waxay ka aaminsan tahay in lagu khasaaray, hase ahaatee hadda uu tolkiisa u sheegay in uusan isa soo sharxi doonin, fursadana cid kale uu siin doono.

Dr. Mina Xasan Shibis, waa ganacsato, waxay leedahay hotelka Global ee degmada Shibis ku yaal, waa xildhibaanad qunyar socod ah oo siyaasaddana ku dhiban, laakiin ciyaarta hadba meeshii muuqata inay ka muuqato jecel, waxaa lagu eedeeyaa inay tolkeeda albaabada ka xiratay, waxna ka qaban weyday dhibaato baahsan ee deegaan doorashadeeda ka taagan, colaad, abaar, waxbarasho la’aan iyo caafimaad xumo, intaasina aysan warba u heyn, waxayna tolkeeda ku tuceysanayaan in illaahey wax ka qeyr badan ugu badalo doorashada danbe.

Xildhibaan Yusuf Kabaale, oo Hirshabeele laga soo doortay, cid ka war haysa inuu xildhibaan yahay iyo in kale ma jirto, waayo siyaasadda uma bisla, kamana muuqda saaxada siyaasadda iyo baarlamaanka, wax muuqda oo uu deegaankaasina ka qabtay ma jirto, inkastoo xasilooni amni ay hortaagan tahay.

C/qaadir Carabow wuxuu ka mid yahay xildhibaanada ugu da’da yar baarlamaanka Somalia, horay weligii siyaasad uma gelin baarlamaanka ka hor, hase ahaatee waa xildhibaan dhiiran oo galgal badan, waxaa xildhibaanka kallya ee dhalinyarada dadka uu madalo u heelan, inkastoo aan aqoon u laheyn, haddana aabihii ayaa aqoon u leeyahay oo uu ii ahaa macallinkeygii dugsiga sare ee Umul Quraa 95-kii. Waa Xildhibaan u taagan inuu dhibaatada dadkiisa la qeybsado, kuwa codkooda meel sare gaareyna u hiiliya.

Senator Maxamed Amiin, Senator Samsam Dahir iyo Xildhibaan Sahro Cumar Maalin waa saddax xubnood oo aqalka sare iyo aqalka hoose ka tirsan, waa mudanayaal aan ka dhex muuqan hay’adda ay ka tirsan yihiin, inkastoo ay kala siman yihiin eedaha iyo ceebaha xildhibaanada kale ee howshii loo igmaday gebay.

Hadda, xildhibaan walba marka laga reebo Caddow Cali Gees waxaa ham ugu jiraa inuu dib usoo laabto dadkoodii ay dayaceena ay cod ka helaan, hase ahaatee doorashada Somalia oo la og yahay xaalkeeda waa suuragal ah in inyar oo ka mid ah ay dib usoo laabtaan iyagoo adeegsanaayo jeebkooda, waase ku doqonimo in kan ku dooranaya xaalada jirta.

Ali Muhiyaddiin – Waxaad kala xiriiri kartaa: muxiyaddiin@hotmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid