Xisbiga Wadajir oo war ka soo saaray habka doorasho ee xildhibaanda G/Waqooyi

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xisbi siyaasadeedka Wadajir ayaa war qoraal ah kasoo saaray walaaca ay ka qabaan dib u dhaca ku yimid doorashada, iyagoo sidoo kale taageero u muujiyay qoraal uu soo saaray gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi oo la xiriira xildhibaanada Somaliland.

Xisbiga Wadajir waxey qoraalka ay soo saareen maanta ku sheegeen iney ka walaacsan yahiin arrimaha doorashooyinka maadaama wali aan tallaabo loo qaadin iyadoo la joogo wakhtigii ku qornaa heshiiskii ay gaareen dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada.

“Xisbiga waxa uu walaac xoogan ka muujinayaa in aan wali tallaabo loo qaadin fulinta qodobadii lagu heshiiyay, gaar ahaan jadwalkii doorashada” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay xisbiga wadajir.

Sidoo kale xisbiga wadajir wuxuu taageero la garab istaagay gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Caashi oo war qoraal ah kasoo saaray xildhibaanada kasoo jeeda Somaliland, waxeyna xisbiga aaminsan yahiin in gudoomiyaha aqalka sare uu isaga xaq u leeyahay inuu soo magacaabo maadaama uu yahay qofka ugu sarreeya ee matalaya walaalaha Somaliland.

Heshiiskii ay gaareen dowladda dhexe iyo dowladdaha xubnaha ka ah waxaa jadwalka ku qorana in doorashooyinka labada aqal ee Baarlamaanka la bilaabayo bishaan dhexdeeda, balse ma muuqato wax tallaabo ah oo loo qaaday wali, waana arrinta dhalisay walaaca ay qabaan xisbi siyaasadeedka Wadajir.