Xiliga dhaarinta Odinga oo la gaaray iyo madaxa cadaalada Kenya oo ka jeenjeersaday dowlada

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxa guud ee cadaalada dalka Kenya David Maraga, ayaa shaaca ka qaaday in xiligaan uusan laheyn awood uu ku hor istaagi karo garsoore dhaarinaaya hogamiyaha Xisbiga Mucaaradka NASA Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoka.

David Maraga, waxa uu sheegay in Garsoorka Kenya uu la socdo dhibta ka dhalankarta haddii la dhaariyo Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoka oo dhaliilsan guusha Madxaweyne Uhurro Kenyatta, balse uusan heysan awood uu garsoore kaga hor istago dhaarinta mucaaradka.

Madaxa cadaalada Kenya David Maraga, waxaa uu sheegay inaysan jirin sharci uu ku amro garsoore ama uu kaga hor istaago arrin kale, waxa uuna carab dhabay in garsoorka Kenya uu yahay mid gacan ku rimis ah.

David Maraga, waxa uu sheegay in awoodiisu ay tahay keliya mid ku xeeran in garsoorayaasha uu kaga digo inay ku lug yeeshaan xiisada ka dhex aloosan dowlada iyo mucaaradka NASA.

David Maraga ayaa sheegay in arrimaha maamulka isaga loo gudbiyay madama isaga uu yahay gudoomiyaha gudiga adeega garsoorka.

Dadka qaar ee ka tirsan dowlada ayaa Mr David Maraga u arkaayay inuu garab u yahay xisbiga NASA ee uu horjoogaha u yahay Oding.

Maxkamada sare ee Kenya ayaa 20-kii bishii Noveber ee sanadkii hore ku dhawaqday in Uhuru Kenyatta uu yahay madaxweynaha la doortay hasa ahaate 28-dii isla bishii November ayaa si rasmi loogu dhaariyay talada dalkaas.

Haddalkan ayaa imaanaya xili Xisbiga NASA ay 30-ka bishan January doonayaan inay dhaariyaan Raila Odinga iyo Kalonzo Musyoka.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com