Farmaajo oo u faanay madaxda qeybta ka ah shirka ka socda magaalada Addis Ababa

Addis-Ababa (Caasimada Online)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir uga qeybgalaaya magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Farmaajo oo khudbad ka jeediyay shir madaxeedkii 30-aad ee Midowga Afrika, ayaa sheegay in Somalia ay ka dheereyneyso dowlado dhowr ah oo dhaca qaarada Africa.

‘’Somalia waxa ay dhinacyo badan uga horeysa dalal dhowr ah oo dhaca Africa, waxa ay rajadeenu tahay inaanu ka takhluusino waxyaabaha noo diidi kara horumarka’’

Farmaajo waxa uu Madaxda shirka qeybta ka ah u sheegay in Somalia ay kasii gudbeyso Msuqa, Amni darada iyo Burburka, waxa uuna tilmaamay inay jiran baahiyi ay bulshada Soomaaliyeed u qabaan helida nabad iyo nolol.

Farmaajo waxa uu madaxda qeybta ka ah shirka u sheegay in Soomaalida ay si xooli ah uga shaqeysiinayaan maskaxdooda iyagoo ka faa’iideysanayaa mudadii ay ka dib dhaceen Afrikaanka kale, waxa uuna sidoo kale amaanay dowladaha saaxiibada ah ee isgarabtaagay Somalia.

Nuqul kami ah hadalkiisa ayaa ahaa ‘’Soomaalidu wey ka go’an tahay inay dhistaan dal wanaagsan, dowladuna waxa ay xooga saareysaa sida ay dalka uga dhalin laheyd nabad waarta’’

Farmaajo waxa uu tilmaamay saaxiibada caalamka ay ka doonayaan in dowladiisu ay garab kusiiyan sida looga gaashaaman lahaa musuqa, amni darada iyo in Somalia ay gasho marxalad cagsi ku ah nabadda.

Farmaajo waxa uu aad u adeegsanaayay erayga Nabad iyo nolol oo uu sheegay in Somalia laga dhaqan galin doono waxa uuna adduunka ka dalbaday inay garab ku siiyaan sida Somalia ay u heli laheyd amni ku filan.

Geesta kale, Madaxweynaha Somalia ayaa lagu wadaa in mudad uu joogo magaalada Addis ababa uu la kulmi doono madaxda caalamka si uu uga dhaadhiciyo Soomaalida cusub.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com