VIDEO: Ayeeyo geesiyad ah oo hantideeda taatiko cajiiba uga difaacatay  burcad soo weerartay 

Muqdisho (Caasimada Online)-Ayeeyadan oo lagu magacaabo Socorro Ordello ayaa hantideeda ka difaacatay burcad dooneysay inay dhac u geystaan goob ganacsi oo ay laheyd.

Ayeeyadan oo 58 jir ah ayaa kamid ah dadka ku nool koonfurta magaalada Los Angeles ee dalka Mareykanka waxa ayna sheegtay inay ka hortagtay burcad ku hubeysnaa bastoolad.

Waxa ay qasdiga burcada ku sheegtay inay dhacaan dukaankeeda, hase ahaatee ay kula dhagtay bastoolada isla markaana ay isla gaareen heer adag oo aan u saamaxeynin dhicista.

Muuqaal ay duubtay kaamirada qarsoon ee ku dhagneyd dukaanka ayaa muujineysa in dagaal xoogan uu dhexmaray Ayeeyada iyo burcada, inkastoo burcada ay u muuqdeen kuwo ay cabsi ku jirtay kuna fashilmay damacooda.

HOOS KA DAAWO SIDA AY AYEEYADA UGA HORTAGTAY BURCADA