Ximan iyo Xeeb oo go’aan kale oo adag qaadatay

Cadaado (Caasimada Online) – Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa go’aan kale oo adag ka qaatay shirka maamul u sameynta gobolada Mudug iyo Gagaduud oo maalmahaan u muuqday mid khilaafaad badan abuuray.

Wasiirka arimaha gudaha maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Xaaji Xuseen, oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay iney go’aanka ka bixitaanka ka qaateen shirka ka socda magaalada Cadaado.

Wuxuu sheegay in shirka magaalada Cadaado ay kaga baxeen kadib markii dowlada Soomaaliya ay badisay faragelinta ay ku heyso shirka maamulka loogu sameynayo Mudug iyo Galgaduud.

Wasiirka arrimaha gudaha Ximan iyo Xeeb wuxuu sheegay in shirka magaalada Cadaado uu hakad galay kadib markii ergada qaar kamid ah ay ka baxeen shirkaasi, isagoo beeniyay in Ximan iyo Xeeb ay caqabad ku yihiin shirka.

Ugu dambeyn wuxuu sheegay iney saluugsan yihiin in caasimada gobolada dhexe tahay Dhuusomareeb, ayna wanaagsan tahay in arintaasi loo bandhigo shacabka iyo ergada shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com