Muqdisho: Dagaal ka dhex qarxay ciidamada DF!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ayaa waxa uu kasoo baxayaa iska horimaad goordhow ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobalka Banaadir kaasi oo u dhexeeyay Ciidamo kawada tirsanaa Nabadsugida Dowlada Somalia.

Iska horimaadka oo ka dhacay agagaarka Labaajada Mahad Alle oo u dhaxeysa Isbitaal Carafaat iyo Ceymiska ayaa waxa uu ka dhashay laba gaari oo ay saarnaayen Ciidamada Dowlada oo kala shakiyay kuwaasi oo is eryanayay, iyadoona uu goobta ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaayo in Iska horimaadka ay ku dhinteen Laba qof oo Labada dhinac ka kala tirsan, sidoo kalena waxaa dhaawacmay Laba ka mid ah ragii saarnaa gaariga la eryanayay.

Dhanka kale, Is rasaaseynta ayaa qalqal galisay amaanka iyo xasiloonida ay heysteen dadka Degmada waxaana goor dambe halkaasi gaaray Ciidamo ka kala tirsanaa Nabadsugida iyo Booliska.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com