SOOMAALIDA ku nool degmada Mandheera ee Kenya oo fal naxdin leh lagu billaabay (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Mandheera ee Xarunta Gobolka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaya in guri halkaasi ku yaala lagu arkay Meydka muwaadin Soomaaliyeed oo madaxa laga jaray.

Muwaadinka madaxa laga jaray ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Wardheere Cali, waxaana meydkiisa laga dhex helay aqalkiisa.

Mid kamid ah carruurta uu dhalay marxuumka ayaa sheegay inay kusoo baraarugtay Meydka aabaha kadib markii qadar yar ka hor ay ka tagtay si ay ugu diyaariso quraac.

”Aabe waxa uu ku jiray qolkiisa wax yar ka hor ayaan kasoo ag tagay si aan quraac ugu keeno, markii aan kusoo laabtay qolka waxaan arkay aabe oo meyd ah qoortana laga jaray”

”Aabe waxaa looga jiray maskaxda oo ma aheyn mid caafimaad qaba dabcan si dhab ah uma garaneyno cida qoorta ka jartay”

Joseph Maina oo ah taliye ku-xigeenka Degmada Lafey ayaa sheegay inay wadaan baaritaano ay ku xaqiijinayaan dilka Marxuumka maskaxda looga jiray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com