Wasiirka amniga Jubba Gen. Darwiish oo isbitaal loola cararay + Xaaladda oo laga deyrinayo (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar naga soo gaarayo dhanka Maamulka Jubbland ayaa sheegaya in laga deyrinaayo xaalada Caafimaad ee Wasiirka amniga gudaha maamulka Jubbaland Maxamed Faarax Warsame “Darwiish”.

Wasiirka ayaa la sheegayaa in iminka lagu dabiibaayo isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi kadib markii xanuunkiisa wax looga qabanwaayay gudaha Somalia.

Xubno ka tirsan Maamulka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in Darwiish uu isku biirsaday xanuuno kala duwan sida sokor, dhiikar iyo xanuun kale oo aan la shaacin waxa uu yahay.

Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Jubbland oo Nairobi ku booqday Wasiir Darwiish, ayaa ka deeriyay heerka uu gaarsiisan yahay xanuunka Wasiirka, waxa ayna tilmaamen in Caafimaadkiisu yahay mid aad u liita.

Geesta kale, Saraakiisha Caafimaadka Kenya ayaa diiday in Darwiish laga saaro Isbitaalka kadib markii Maamulka ay ku wargaliyeen in Caafimaadkiisu yahay mid aan leysu haleynkarin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com