Beesha Cadaado oo loo oggolaaday caasimadda maamulka (Maxaa laga filayaa beesha D/Mareeb)

Muqdisho (Caasimada Online) – Beesha Cadaado degta ee reer Xaaji Saleebaan ee marti gelineysa shirka maamul u sameynta goboladda dhexe ayaa dadaalkeedii ugu danbeeyay ugu jirta in degmada Cadaado ay noqoto caasimad kumeelgaar ah e maamulka Gobolada dhexe, kadib markii ay ka baxday shirka kuna hanjabtay inuusan sii socon doonin.

Wadahadallo saacado dheer qaatay oo dhex maray Wasiirka  arrimaha gudaha iyo gudgiga farsamada oo beeshani la kulmay ayaa la sheegay in markii danbe laga qeyb geliyay beesha u badan degmada Dhuusamareeb ee Ceyr oo madaxweyne Xasan Sheekh u magacaabay inay noqoto caasimada maamulka Goboladda dhexe. Lama yaqaan sida ay arrintan u arki doonaan dadka kasoo jeeda beesha Dhuusomareeb ee ku sugan magaaladaas.

Wararkii ugu danbeeyay waxa ay sheegayaan in loo ogolaaday beesha Cadaado  in magaalada Cadaado ay noqoto caasimad Kumeelgaar ah iyadoo aan weli lagu heshiin muddada ay sii ahaan doonto caasimad KMG ah.

Dalabka beesha shirka marti gelineysa ayaa waxaa  saaciday kooxda Ahlu Sunna oo dhowaan la wareegtay gacan ku heynta Dhuusamareeb, taasoo keentay in arrintan caasimadnimada Dhuusamareeb mugdi soo galo mar haddii aan xilligan la tegi karin.

Maalinta Beri ah ayaa la filayaa in ergooyinka shirka ay dib isugu soo laabtaan lana furo shirka oo hakad ku jira, lamana oga in arrintan lagu dari doono dastuurka oo ay doodiisu socotay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com