Xiriirka cusub ee dalalka Eritrea iyo Somalia: 8 rajo iyo 6 cabsi oo la qabo

Booqashada M. Farmaajo ee Dalka Eritrea ayaa laga muujiyey guulo iyo rajo wayn oo usoo hoyatay labada shacab iyo labada dawladood, sidoo kale cabsi ayaa laga muujiyay isbedelada gobalka iyo dawrka madaxda Eritrea?

HADABA QORMADAAN KOOBAN WAXAAN IS BARBAR-DHIGAYNAA RAJADA IYO CABSIDA:

Somaaliya & Eritrea waxaa ka dhaxeeyay xiriir sokeeye mudo ka badan 1000 sano kaas oo ku salaysnaa; deegaanka Geeska Afrika, soo gelitaankii Diinta Islaamka Geeska Afirika, Dagaaladii dhex maray Muslimiinta Geeska Afrika iyo Kirishtaanka, Dawladihii Islaamka ee Geeska Afrika soo maray, Boqortooyadii Islaamka ee Turkey ee Geeska Afrika, Gumeystihii Talyaaniga ee wada qabsaday Somaaliya iyo Eritrea Ciidamadoodina is ku bedelay iyo Halgankii xornima doonka labada shacab iyo hiiladii ay isa siiyeen iyo abaalka ay isku leeyihiin.

Eritrea waxa ay xor tahay 25 sano kaliya, halka Somaaliya ay xor tahay 58 sano lkn intii ay Eritrea xorta aheed Somaaliya waxa ay ku jirtay Dawlad la’aan, dagaal sokeeye iyo taag dari awoodeed, halka Eritrea na ay ku jirtay dagaal deriskeeda Ethiopia iyo Go’doomin beesha Caalamka gaar ahaan Afrika iyo IGAD.

Kulankaan labada Madaxweyne waa kii ugu horeeyey ee dhexmara labada dawladood iyo labada Madaxwayne oo rasmi ah kadib xorriyadii labada dal, rajada laga filan karo ayaa ah;

1-In si wada jir ah looga qeyb-qaato is bedelada Siyaasadeed, Amni, Dhaqaale iyo Bulsho ee Gobalka ka socda.

2-In la heshiisiiyo Jabuuti iyo Eritrea, kaalin -na ay ka qaataan M.Farmaajo iyo RW Abiy Ahmed.

3-In Mandiqada lagu soo dabaalo Nabad iyo Xasilooni, loona horseedo horumar dhaqaale iyo mid bulsho.

4-In Eritrea lagu soo celiyo IGAD, Afrika iyo Beesha Caalamka, lagana saaro Go’doominta iyo faquuqa.

5-In la xiro xarumaha iyo Saldhigyada Jabhadaha iyo Mucaaradka Somaaliya, Ethiopia, Jabuuti iyo Sudan ee dalka Eritrea.

6-In la isla fahmo qaabka loola dhaqmayo Quwadaha waawayn ee ku loolamaya Geeska Afrika gaar ahaan America iyo China.

7-In la isla fahmo khilaafka ka dhexeeya Carabta iyo faragelinta ay ku hayaan Geeska Afrika iyo dhibaatada ka socota Yemen iyo saamaynta ay ku leedahay Geeska iyo sida ay ugu fashilmeen dawladaha Carabtu gaar ahaan Khaliijka.

8-In dawlad kasta ay aqoonsato Siyaadada iyo Jiritaanka dawlada kale isna wada ixtiraamaan dawladaha Geeska Afrika.

ARIMAHA CABSIDA LAGA QABO WAXAA KA MID AH:

1-In Madaxda Eritrea ay is xigsiiyaan ama si gaar ah ugu dhawaadaan Ethiopia, Somaaliya iyo Jabuutina gaar u riixaan.

2-In Eritrea ay Isarael fursad u siiso in ay soo dhex gasho soona fara geliso arrimaha Geeska Afika, maadaama ay saldhig ku leedahay Eritrea.

3-In Jabhadihii ay Eritrea hoyga u aheed kusoo fidaan Somaaliya haddii xarumaha laga xiro culaysna ku noqdaan sidii dhacday 1988 markii M. Siyaad Barre iyo Mingisto heshiiyeen.

4-In Afawerk iyo Abiy Ahmed u weecdaan ama u bataan dhinaca Emaaraatka, Somaaliya iyo Jabuutina culeys ku saaraan in ay lumiyaan dhex-dhexaadnimadii khilaafka Khaliijka.

5-In M. Afawerk laga bedeli- waayo dhaqanka Jabhadnimada, lana qabsan-waayo Siyaasadaha fur-furnaanta iyo Dhaqaala abuurka Geeska Afrika ka socda.

Hadaba waxaa soo dhaweyn iyo taxadar mudan xiriirka cusub ee u bilawday Somaaliya iyo Eritrea.

W/Q. Mohamed Gacal (Dr Gacal)