Xisbiga Jamhuuriga ee USA oo soo jeediyey arrin yaab leh oo ka dhana Ilhan Cumar

Washington (Caasimada Online) – Xisbiga Jamhuuriga Mareykanka oo uu ku jiro Madaxweyne Donald Trump ayaa ansixiyey sharci lagu doonayo in Ilhaan Cumar looga eryo Congress-ka dalkaasi.

Xisbigan oo ka taliya gobolka Alabama ee dalka Mareykanka ayaa cambaareeyey hadallada Ilhaan ee ka dhanka ah Israel iyo wax ay ku sheegeen kala sooca dadka Mareykanka ah.

Hindisahan ayaa waxaa soo gudbiyey Tommy Hanes oo ah Xildhibaanka gobolka Alabama ku matala aqalka hoose, iyadoona ay meel mariyeen golaha GOB ee Xisbiga Jamhuuriga.

Sidoo kale guddi ka socda golaha deegaanka Alabama ayaa tagi doona xarunta aqalka hoose, iyaga oo doonaya in guud ahaan Ilhaan Cumar laga saaro Congress-ka.

Dhanka kale Ilhaan kama aysan jawaabin codsiga ay soo jeediyeen wakiilada gobolkaasi.

Trump iyo Ilhaan Cumar ayaa inta badan warbaahinta isku mariya hadallo kulul oo uu mid kasto ku weerarayo kan kale.

Caasimada Online
Xafiiska Washington
caasimada@live.com