Xisbiga Sheekh Shariif oo war kulul kasoo saaray xiisadda GALMUDUG

Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray xaaladda siyaasadeed ee maamulka Galmudug.

BAAQA HIMILO QARAN EE XIISADDA GALMUDUG

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu ka walaacsanyahay saamaynta dhaqdhaqaaqyada siyaaseed ee baryahan dambe ka aloosan deegaannada Maamul Goboleedka Galmudug.

Dadka kunool Dowlad goboleedka Galmudug waxay muddo kunnaalloonayeen nabad-gelyo iyo xasillooni toos oo baahan in la xoojiyo lana mideeyo awoodda dadka deegaanka si loo adkeeyo dowladnimada.

Xisbigu wuxuu bogaadinayaa dul-qaadka iyo xil-kasnimada dadka reer Galmudug wuxuuna ku kalsoonyahay in ay kuguuleysan karaan xal u helidda xiisadda hadda kataagan Galmudug.

Xisbigu wuxuu ka digayaa faro-gelinta sharci-darrada ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay kuhayso maamul goboleedyada guud ahaan taasoo ay caado kadhigatay, wuxuuna Xisbigu ugu baaqayaa Xukuumadda Federaalka in ay joojiso kana waantowdo arrintaas.

Xisbiga Himilo Qaran wuxuu kubaaqayaa:

In Siyaasiyiinta, Odiyaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Wax-garadka, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Galmudug ay ilaaliyaan midnimada iyo xasilloonida si looga fogaado wax walbaoo dhalinkara inuu daato dhiig-sokeeye.

In Xukuumadda Federaalku ay ka fogaato faro-gelin kasta oo horeseedi karta kala qaybin iyo iskahorimaad bulshada dhexdeeda ah, iyo in ay ka dheeraato wax walba oo keeni kara khalkhal-gelinta nabad-gelyada iyo xasilloonida deegaanada Galmudug.

In dhammaan dhinacyada ay khuseyso xiisadda hadda ka taagan Galmudug ay dhowraan shuruucda iyo heshiisyada lagu dhisay Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ugu dambeyn Xisbiga Himilo Qaran wuxuu soodhaweynayaa dadaal kasta oo looga golleeyahay isu soodhaweynta iyo xoojinta wada jirka Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Galmudug.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com