Wasiir ka mid ahaa xubnihii la socday madaxweyne Xaaf oo lagu xiray Dhuusamareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – War goordhow nassoo gaaray ayaa sheegaya in magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug lagu xiray Wasiir ka tirsan maamulka Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo qeyraadka dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Shire Falage ayaa waxa la sheegay in Ciidamo Boolis ah oo ku sugan Dhuusamreeb ay Xabsi ku yaalla halkaasi  ku xireen.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya sababta loo xiray Wasiirka Tamarta Galmudug, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in la xiray kadib markii uu isku dayay in uu la baxsado Gaari dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya siisay Wasaaradda Tamarta Galmudug.

Wasiir Shire Falage ayaa waxaa la xusay in uu doonayay in uu horey usii raaco Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo gelinkii dambe safar dhanka dhulka uga ambabaxay Dhuusamareeb, hase yeeshee waxaa la qabtay, isla markaana lagu xiray xabsi ku yaalla Dhuusamareeb.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo arrintan ku saabsan oo kasoo baxay maamulka Galmudug, kooxda Ahlu-Sunna ee gacanta ku haysa Dhuusomareeb iyo dowladda federaalka.

Halkan ka daawo wararka oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com