Wararkii ugu dambeeyey falcelinta ka dhalatay muddo kororsiga MUUSE BIIXI

Hargeysa (Caasimada Online) – Musharaxa xisbiga mucaaradka Wadani ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si weyn uga horyimid muddo kodhinta labada sanada ahaa ee ay shalay Golaha Guurtida u sameeyeen madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi Cabdi.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa marka hore sharci darro ku tilmaamay go’aanka Golaha Guurtida, wuxuuna tilmaamay in ka xisbi ahaan ay kasoo horjeedaan tallaabadaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inuu xaaraan yahay muddo kororsiga Muuse Biixi, isaga oo intaas kusii daray in wixii ka dambeeya13-ka November aysan aqoonsaneyn madaxweyne.

“Waa xaaraan mana aqbalayno, waa sharci-darro, Muuse Biixi waxa aan madaxweyne u aqoonsanahay ilaa 13-ka November keliya” ayuu yiri Musharax Cabdiraxmaan Cirro.

Waxa kale oo uu carabka ku goday in arrintaan ay dhaawaceyso mustaqbalka Somaliland, gaar ahaan dimuqaaradiyadda doorashooyinka ee aan ku caan baxeen reer Hargeysa.

Tallaabada ay qaadeen Golaha Guurtida ayaa aheyd mid la filayey, waxayna ku soo aaday, xilii todobaadkii hore guddiga doorashada Somaliland uu ku dhowaaqay in uusan xiligeeda ku qaban karin doorashada, uuna u baahan yahay ugu yaraan ilaa 9 bilood oo dheeraad ah.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, kadib go’aanka kasoo baxay mucaaradka oo horey dibad-baxyo rabshada watay uga dhigay magaalooyinka waa weyn ee Somaliland.